WorldRemitAds

Cilmi baadhis caalami ah oo jaamacado tiro badan oo Yurub, Ruushka iyo Maraykanka ka jiraa wada jir u sameeyeen, ayaa lagu ogaaday in haweenka iyagoo da’doodu aad u yar tahay guursadaa ay dhalaan carruur caafimaadkoodu wanaagsan yahay aadna u caqli badan.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

SomlegalAds

Sida lagu baahiyay telefishanka Russian Today, gaar ahaan qormadiisa arrimaha caafimaadka ku cusub, ayaa lagu sheegay in cilmi baadhis caalami ah oo jaamacado tiro badan oo Ruushka, Yurub iyo Maraykanka laga leeyahay laga sameeyay lagu ogaaday, faa’iidada hore u guursiga dumarku u leedahay koriinka ilmaha Maskax ahaan iyo jidh ahaan labadaba.

Kooxaha samaynayay cilmi baadhistan caafimaad oo badankoodu ah khubaro cilmiga abuurka aadamiga ee Bayolajiga ku xeel dheer, waxa ay ugu kuur galeen, kaydka kaniisadaha iyo goobaha caafimaadka ee Masixiyiintii hore ee qaarada Yurub, gaar ahaan waddamada Scandinavian-ka.

Waxa kale oo baadhistoodan ku daraaseeyeen waalidiin da’ ahaan ku kala duwan xiliga ay guursadeen, kuwaas oo isugu jira kuwo iyagoo labaatan jiro ku dhow is guursaday, kuwo sodon jir isku guursaday iyo kuwo iyagoo da’doodu ka wayn tahay is guursaday.

Warbixin dheer oo ay cilmi baadhistoodan ka soo saareen ayay ku cadeeyeen in mar kasta oo gabadhu guursato iyadoo da’deedu aad u yar tahay, carruurta ay dhashaa noqdaan kuwo caafimaadkoodu wanaagsan yahay, aadna u caqli badan oo koriinkoodu isku dheeli tiran yahay.

Cilmi baadhistan ayaa si mug leh u iftiimisay, faa’iidada yaraan ku guursigu rag iyo dumarba u leedahay, waxaanay baadhitaanka khubarada Bayoolajiga ee jamaacadaha tirada badan ka kala socday, ay ku ogaadeen in marka gabadha lagu guursado iyadoo shan iyo toban jir da’deedu tahay ay ugu wanaagsan tahay oo ubadka ay dhashaa noqdaan, kuwo caqli badan aadna u caafimaad wanaagsan.

Kaydka kaniisadaha iyo goobaha caafimaadka ee Masiixiyiintii hore ayay ku ogaadeen in dadkii qarniyadii hore ay isku guursan jireen, iyagoo aad u yar yar oo ka da’ yar inta ay imika u aaminsan yihiin, in qaan gaadhnimadu tahay ee sideed iyo toban jirka ah.

Ka dibna waxa ay ogaadeen in hooyooyinkii iyagoo shan iyo toban jir iyo da’ ka yar ah la guursaday, aanay carruurtoodu caafimaad daro badan la kulmin, dhimashaduna aad ugu yarayd, oo heerka carruurta shanta sanadood iyo ka yar ku dhinta qiyaastoodu ahayd 20% ilaa 12%.

Halka hooyooyinka sodon jirka ku curta dhalmada tirada dhimashada carruurtu noqonayso boqolkiiba afartan ilaa shan iyo sodon.

Ugu danbayntii waxa daraasadan lagu sheegay in mar kasta oo da’da hooyada iyo aabuhu isku guursadaan sii korodhaba halista caafimaad ee ubadku sii korodho.

Warbixintan ayaa aad uga yaabisay kooxaha u ololeeya in haweenka lagu guursado marka ay waaweynaadaan ee ay waxbarashada dhamaysto gabadhu ay guursato, kuwaas oo ku taliya in aan la guursan dumarka marka da’doodu yar tahay.

Cilmi baadhistan caalamiga ah ayaa tilmaantay faa’iidada caafimaad ee ubadka dhalanaya ay u leedahay hore u guursiga labadooda waalid, taas oo macnaheedu noqonayo in mar kasta oo waalidka da’doodu sii yaraataba caafimaadka iyo koriinka ubadka ay dhalayaan ka wanaagsan tahay, lamaanaha iyagoo waaweyn is guursada, waxaanay khubaradani sheegeen in loo baahan yahay wax ka badal lagu sameeyo, sharciyada dalal badan oo aduunka ahi ka dhigteen da’da guurka, oo dib loogu noqdo, aadamigana loo ogolaado in yaraan ay is guursadaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.