WorldRemitAds
Deraasad cusub oo Caafimaad ayaa muujisay in shucaaca iyo gariirka ka soo baxa telefoonada gacanta ee Mobile-ka ay saameyn ku yeeshaan habka bacriminta lab iyo inay gebi ahaanba burburiyaan noolaha manida ninka ee jidhkiisa ku jirta, taas oo sababi karta in ninku uu tarmi waayo oo uu madhalays ku dambeeyo ama ay diciifto bacrimintiisa labnimo.

Sida laga soo xigtay cilmi-baadhistan oo ay soo saartay Jaamacadda Teknion oo ku taal magaalada Xayfa ee Israa’iil, wuxuu shucaaca iyo gariirka ka soo baxa Mobile-ku keeni karaa inuu kariyo noolaha ku jira Shahwadda ninka ee jidhkiisa ku jirta haddii ninku uu telefoonkiisa ku xafido meel u dhow jidhkiisa sida jeebabka surwaalkiisa.
Deraasaddani waxay kula talisay ragga inay telefoonadooda ku qaataan jeebabka sare, halkii ay kaga qaadan lahaayeen jeebabka hoose suraawiishooda taas oo keenaysa inay ku dhowaadaan shucaacyadaasi waxyeelana ku keenaan noolaha shahwada ama manida ninka.  
Deraasaddan ayaa sidoo kale waxay iftiimisay in shucaacyada telefoonada Mobileku sameeyaan ay sabab u tahay hoos u dhac ku yimi dhinac tartanka iyo awoodda bacriminta ee ragga aadka u isticmaala ku hadalka telefoonada Mobile-ka.
Sidoo kale waxay deraasaddani jawaab u noqon kartaa muran iyo jahawareer ka dhex taagnaa culimada ama sayisyahanada oo la xidhiidha saameynta shucaaca telefoonka Mobileku ku yeesho bacriminta lab iyo guud ahaan dhibaatada uu u geysan karo jidhka bina aadamka.
Dr. Fiona Mathaoz  oo ah cilmi-baadhe ka tirsan Jaamacadda Exeter, ayaa sheegay in inkastoo deraasaddan cusub ee Jaamacadda Israa’iil soo saartay caddeysay in noolaha shahwadda ragga uu waxyeelayn u geysanayo shucaaca uu sii daayo telefoonka gacanta ee Mobile-ka, haddana ma jiro buu yidhi daliil cad oo qeexaya in shucaacaasi telefoonka Mobile-ka, ama badnida isticmaalkiisu ay ninka ragga ah gayeysiin karo madhaleysnimo.
Muranka ugu badan ayaa dunida waxa uu ka taagan yahay saameynta shucaacyada telefoonada gacantu geyaysiiyaan jidhka bina aadamka, waxaanay arrintani mashquulisay culimo farabadan oo dhinaca cilmiga ah, hase yeeshee waxaa inta badan laysku raacsan yahay in shucaacyada ka soo baxa telefoonka gacanta ee Mobile-ku ay waxyeelo u geysan karaan carruurta yaryar, dadka qaangaadhka ah iyo kuwa da’doodu weli yar tahay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.