WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 01, 2018 (Saxafi) – Deraasad Isaga gudubtay Somaliland iyo Waqooyi barri dalka Kenya ayaa la rajaynayaa in laga soo saarro daawo cusub oo wax ka tarta xannuuno dhibaato ku haya Geella iyo wax soo saarkiisa.

Sidda lagu baahiyay Wakaallada Wararka dalka Kenya, Kenyanews.go.ke, Xukuumadda dalkaas, ayaa lagu wadaa inay soo bandhigto daroogo cusub oo Geela lagu dabiibo, si ay gacan uga geysato kordhinta wax-soo-saarka Geella iyo in ay sii wanaajiso hab-nololeedyada Geeska Afrika.
Deraasaddan ayaa qaadan doonta saddex sanno. Daroogada hadda loo isticmaalo in lagu daweeyo Geellu waxay ku jirtay suuqa muddo ka badan 20 sano, waxaana muuqatay iska caabin xanuunku la yimid iyo waxtar la’aan.
Dadka Geella dhaqda ayaa warku sheegay inay ka dharagsan yihiin xanuunnka Geella ku dhaca ee loo yaqaan Trypanosomiasis ama ‘Surra’ kaas oo sababay hoos u dhigidda caanaha iyo lumista xaalada jidhka ee xayawaanka.
Judith Chemuliti, oo ah Agaasimaha Machadka Cilmi baadhista Biyotekolojiga Kenya (BioRI) ayaa sheegay in kasta oo ay jirto muhiimad dhaqaale bulsho, in ay hadda wadaan sidii culmi baadhis loogu sameyn lahaa loona helli lahaa daawo waxtar u leh oo Geella ka daweysa xanuunka si kama danbeys ah. “Waxaan samayn doonaa cilmi-baadhis iyo horumarin, xidhmeysan oo xidhiidh la leh hababka xakamaynta si loo casriyeeyo dhibaatada adag ee Surra ee ku jirta Xoolaha Soomaalida,” ayay tidhi.
Waxay intaas ku dartay in Geellu yahay, gaadiid, wax saar ama il dhaqaale iyo kan lagaga gudbo xaaladdaha addag ee Abaaraha sidaas darteedna ay tahay in la siiyo muhiimaddiisa.
Chemuluti, oo ah baadhaha ugu wayn ee mashruuca, ayaa tilmaamay, in marka  deraasaddu dhammaato, daroogada cusub ee la soo saaraa ay beddeli doonta triquin oo jirtey muddo dheer.
“Triquin waxtar uma lahan faafinta Surra, oo ah cudur Geel trypanosomiasis ah oo caqabad ku ah wax soo saarka beelaha waqooyi bari,” ayay tidhi.
Chemuluti ayaa sheegay in cilmi-baadhistu ay la iman doonto xidhmo isku-dhafan ka hor inta aan loo gudbin dawladaha ama dhulka Soomaalida ee kale.
Deraasadda, ayaa Judith Chemuliti waxaa ay xustay, in ay ku bixi doonto ugu yaraan 70 milyan oo doollar (US$70,000,000) waxaana maalgeliya Midowga Afrika. Waxaana  deraasadda lagu qabtay oo laga wadaa sida warku sheegay dalka Somaliland iyo Waqooyi Barri Kenya
Agaasimaha Guud wuxuu sheegay in cilmi-baadhistu ay noqon doonto mid wax ku ool ah, gaar ahaan marka la xakameynayo cudurka, iyada oo la tixgelinayo nidaamka deegaanka Soomaalida.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.