WorldRemitAds

Waxaanu halkan idiinku soo taxaynaa qaar ka mid ah Taariikhda iyo Dhacdooyinkii waaweynaa ee adduunyada soo maray bisha Barakaysan ee Ramadaan:

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds
  1. Ramadaan, Sannadkii 1aad ee soo diristii Nebigeenna (nabad iyo naxariista Alle korkiisa ha ahaatee) kuna beegnayd 610kii Miilaadiga waxaa bilaabmay waxyi ku soo degayey Rasuulka Alle (NNKH).
  2. Ramadaan, Sannadkii 10aad ee soo diristii Nebigeenna (NNKH) kuna beegnaa 620kii Miilaadiga waxaa geeriyootay illaahay raalli ha ka noqdee Khadiija ooridii Rasuulka iyo Hooyadii mu’miniinta.
  3. Ramadaan, Sannadkii 1aad ee Hijrada Nebiga (NNKH) ama sannadkii 623kii Miilaadiga waxaa la jideeyay eedaanka (in la adimo) si loogu tiraabo xilliga salaadda.
  4. Ramadaan, Sannadkii 2aad ee Hijriyada (624kii Miilaadiyada) waxaa la sharciyeeyay Salaadda Ciidda.
  5. Ramadaan, Sannadkii 2aad ee Hijriyada (624kii Miilaadiyada) waxaa muslimiinta lagu waajibiyay Sakada Fidriga ee la bixiyo inta aan salaada ciidal fidriga la tukan ka hor.
  6. Ramadaa, Sanadkii 2aad ee Hijriyada (624kii Miilaadiyada) waxaa dhacay duulaankii weynaa ee Badar oo ku beegnaa isla bisha ramadaan gudaheeda.
  7. Ramadaan, Sannadkii 4aad ee Hijriyada (626kii Miilaadiyada) Rasuulka Alle (NNKH) ayaa guursaday Saynab Bintu Khusaymah (Alle raalli ha ka ahaadee).
  8. Ramadaan, Sannadkii 8aad ee Hijriyada (630kii Miilaadiyada) Waxa la furtay magaalada xurmada badan ee Makkah al Mukarama.
  9. Ramadaan, Sannadkii 11aad ee Hijriyada (633kii Miilaadiyada) waxaa geeriyootay illaahay raalli ha ka ahaadee Faaduma inantii Rasuulka Alle (NNKH).
  10. Ramadaan, Sannadkii 40aad ee Hijriyada (661kii Miilaadiyada) waxaa shahiiday illaahay raalli ha ka ahaadee Cali Binu Abii Daalib.
  11. Ramadaan, Sannadkii 58aad ee Hijriyada (678kii Miilaadiyada) waxaa geeriyootay illaahay raalli ha ka ahaadee Hooyadii Mu’miniinta Caa’isha iyada oo 66-sannadood jirta.
  12. Ramadaan, Sannadkii 92aad ee Hijriyada (711aad Miilaadiyada) ciidamadii muslimiinta ee uu hoggaaminayay Daariq Binu Siyaad ayaa furtay Andalus oo ah dhulka imika loo yaqaano Spain ee koonfurta Yurub.
  13. Ramadaan, Sannadkii 95aad ee Hijriyada (714aad Miilaadiyada) Illaahay raalli ha ka noqdee Xajjaaj Binu Yuusuf ayaa dilay Saciid Binu Jubayr.
  14. Ramadaan, Sannadkii 95aad ee Hijriyada (714aad Miilaadiyada) waxa geeriyooday Xajjaaj Binu Yuusuf.
  15. Ramadaan, Sannadkii 132aad ee Hijriyada (750aad Miilaadiyada) Cabdillaahi Al-Cabbaasi ayaa Dimishiq qabsaday waxaana halkaasi ku burburtay dawladdii Umawiyiinta.
  16. Ramadaan, Sannadkii 181aad ee Hijriyada (797aad Miilaadiyada) rabi ha u naxariistee waxaa geeriyooday Caalimkii Cabdillaahi Ibnu Mubaarak.
  17. Ramadaan, Sannadkii 223aad ee Hijriyada (838aad Miilaadiyada) lmuctasim ayaa ciidan gurmad ah u diray gabadh muslimad ah oo Muctasimow ku barooratay iyada oo markaa ku sugnayd dhul gaalo ka taliso, waxaanu furtay Camuuriya.
  18. Ramadan, Sannadkii 261aad ee Hijriyada (968aad Miilaadiyada) waxaa la dhammaystiray Jaamical Az-har oo ka mid ah jaamacaddaha dunidda ugu da’da wayn isla markaana ahaan jirtay muddo dheer jaamacadda ugu wayn dunidda Muslimka ah.
  19. Ramadan, Sannadkii 658aad ee Hijriyada (1260aad Miilaadiyada) waxaa dhacay dagaalkii Cayn-Jaaluut oo uu hoggaaminayay Al-Mudafar Qidis.
  20. Ramadan, Sannadkii 666aad ee Hijriyada (1268aad Miilaadiyada) Al-Daahir Biibris ayaa qabsaday Antaakiya kaddib markii uu gacanta ku dhigay Tataarkii soo duulay.
  21. Ramadan, Sannadkii 927aad ee Hijriyada (1521aad Miilaadiyada) Suldaankii Cismaaniyiinta ee Saliimkii 1aad ayaa furay waddanka Hungary maanta loo yaqaan ee bariga qaaradda Yurub.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.