WorldRemitAds

In badan oo ka mid ah magaalooyinka dalalka Islaamka ah ayaa laga sameeyay maalintii Jimcihii dibad-baxyo lagaga soo horjeedo go’aankii Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu ugu magaalada barakaysan ee Qudus ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israa’iil, isla markaana uu safaaradiisii ugu rarayo magaaladaas, iyadoo sidoo kalena hoggaamiyeyaasha dunida qaar ka mid ahi jawaabo adag ka bixiyeen go’aankaas.

Haddaba warbixin kooban oo aanu dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee Jimcihii dhacay ee arrintaas ku saabsan ayaa u dhigan sidan.

Malaysia

SomlegalAds

Isu soo baxyo waaweyn oo lagu taageerayo Falastiin, laguna canbaaraynayay Go’aanka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka dhacay caasimadda Dalka Malaysia ee Kulalanbuur.

Raysal wasaaraha dalka Malaysia ayaa isna ugu baaqay madaxda dunida islaamka inay go ‘aan adag kaga jawaabaan go’aanka Trump, isu soo baxyaaasha ayaa ku dhawaaqayay Illaahay mooye Illaah kale ma jiro, Maxamedna waa rasuulkiisi.

Afghanistan

Dibad baxyada cadhada iyo canbaaraynta Qudus ayaa ka dhacay caasiamdda dalka Afghanistan ee Kabul waxaana isu soo baxyaaashu gubeen calamka dalka Maryakanka, kuwaas oo iyagoo cadhaysan ku dhawaaqayay Illaahay baa wayn, ha dhaco Maryaknaku, qudus waa caasimadda Islaamka.

Pakistan

Dalka Bakistan ayay ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagaga soo hor jeedo go’aanka Donald Trump, dibad baxayaaha reer Bakistaan ayaa gubay calamka dalka Maraykanka iyo muuqaalo loo soo ekeeysiiyay Madaxweynaha dalka Maryakanka Donald Turmp, dadkan ayaa aad uga cadhaysnaa go’aanka Donald Trump. Waxaanay ku baaqeen in la qaado jihaad ka dhan ah Yuhuuda iyo Maraykanka.

Dalka Ciraaq

Hogaamiyaha Shiicada dalka Ciraaq Muqtada Sadar ayaa si adag u canbaareeyay go’aanka Donald Trump, sidoo kale waxa uu hogaamiyaha Shiicada Dalka Ciraaq ugu baaqay Falastiiniyiintu inay gacmaha is qabsaaddaan.

Geesta kale waxa uu boqortooyada Sucuudi Arabiya iyo is bahaysiga ay hogaamiso ee dagalka ka wada dalka Yemen ugu baaqay inay is bahaysigooda  balaadhan ee dagaalka kaga jira dalka Yemen ay ku jeediyaan Qudus iyo difaaca dhulka barakaysan ee Islaamka.

Muqtada Sadar ayaa ku baaqay in dhinac looga soo wada jeesto Yuhuda go’aan adagna laga qaato difaaca Dhulka barakaysan ee Qudus.

Shacabka Ciraaq ayaa iyaguna isugu soo baxay jidadka waaweyn ee magaalooyinka dalkaas, iyagoo ka cadhaysan go’aanka Donald Trump, waxaanay ku baaqayeen in dagaal iyo lagala hor tago.

Boqorka Urdun iyo Madaxweynaha Falastiin ayaa bayaan ay wada jir u soo saareen ku sheegay, in isku day kasta oo lagu badalay sumadaha diiniga ah iyo sharciyada dunidu ay noqon doonaan kuwo waxba kama jiraan ah oo aan ka shaqyn doonin Qudus, magaaladaasina ahaan doonto mid barakaysan oo caasimad u noqon doonta Falastiin, diimaha samaawiga ahna ka wada dhaxayn doonta.

Lubnaan.

Gudida arrimaha dibada u qaabilsan Barlamaanka dalka Lubnaan ayaa sharci daro ku tilmaamay go’aanka Donald Turmp, kuwaas oo gardaro qaawan ku ah sharciyada dunida iyo shacabka reer Falastiin ayay yidhaahdeen dunida islaamka iyo bariga dhexena dagaal ka abuuri kara.

Kuwait

Guddoomiyaha barlamaanka dalka Kuwait Marsuuq Qaanim ayaa isna canbaareeyay go’aanka Donald Trump, kuna tilmaamay mid lidi ku ah wada hadaladii nabad galyada dunida. Waxaanu barlamaaanada carabta ugu baaqay inay kulan degdeg ah ka yeeshaan go’aankan dulmiga ah ee Donald Trump.

Barlamaanka Suudan ayaa isna si kulul u canbaareeyay go’aanka Donlad Turmp, Waxaanay sheegeen inay is barbar taagayaan Falastiin iyo shacabka Reer Falastiin.

Inta badan caasimaddaha iyo magaalooyinka waaweyn ee dunida ayaa waxa hadheeyay dibad baxyo waaweyn oo lagu canbaaraynayo go’aanka Donald Trump isla markaana lagu taageerayo Falastiin iyo magaalada Barakaysan ee Qudus.

Isu soo baxyadan ayaa ka dhacay Malaysia, Bakistan, Afghanistan, Ciraaq, Tunis, Masar, Kuwait, Sucuudiga iyo dhamaan waddamada Muslimiinta.

Mudaharaadyadan ayaa kuwoodi ugu waaweynaa ayaa ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalka Tuunis waxaanay kumaanaan qof oo dibad baxyadaas ka qayb galay ay ku qaylinayeen Qudus Naftayadaan u Huranayaa.

Dadka Reer Tuunisiya ayaa xukuumadooda ka dalbaday inay xidho safaarada Maraykanka ee dalkooda, xidhiidhkana ay u goyso dawlada Maraykanka, dadka reer Tuunisiyaa sidoo kale ku baaqay in umada Islaamku u midowbaan difaaca muqadasaadkooda, meelna uga soo wada jeestaan inay maraykanka ku ciqaabana go’aanka Madaxweynahoodu qaatay.

Dhinaca kale Baralamaanka dalka Tuunis ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay baaq barlamaanka dalkaasi ku canbaaraynayo go’aanka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump caasimadda Yuhuuda ugu aqoonsaday Magaalada Barakaysan ee Qudus.

Barlamaanka dalka Tuunis ayaa ku baaqay in si wada jir ah dunida Islaamku uga hawl gasho ka hor taga Yuhuudaynta magaalada Qudus ee barakaysan.

Geesta kale xisbiga Jabhada SHacabka Tunis oo ah ka ugu wayn Mucaaridka dalka Tuunis ayaa taageerayaashooda ugu baaqay inay sameeyaan isu soo baxyo waaweyn oo lagu taageerayo Magaalada Barakaysan Ee Qudus iyo qadiyada reer Falastiin, waxaana isu soo baxyadaaas hadalo ka jeediyay hogaamiyayaasha dalkaas oo shacabka u sheegay in go’aanka Trump nooleeyay shucuurta dadka Islaamka ah oo kala daadsanaa madaxdooduna ay kala qaybiyeen.

Sidoo kale waxa ay dibad baxyo waaweyni ka dhaceen caasimadda dalka Lubnaan ee Bayruut oo ay ardayda wax ka dhigata jaamacada Maraykanka ee Lubnaan ay dibad baxyo ay ku diidan yihiin Go’aanka Donald Trump ugu aqoonsaday Qudus Caasimadda Yuhuuda.

Ardaydan ayaa muujiyay sida ay go’aankaas uga soo hor jeedaan, waxaanay ku dhawaaqayeen nolow Falastiin, Ha Dhimato Israel, waxaanay gubeeen calamada Israel iyo Maraykanka.

Caasimadda Baxrayn ee Manaha waxa ka dhacay dibad baxyo lagu tageerayo in Qudus Tahay caasimadda Falastiin iyo Muslimiinta. Waxa kale oo khudbadaha masaajidada lagu soo qaatay muhiimada ay magaalada Qudus u leedahay dalka.

Sidoo kale caasimadda dalka Masar ee Qaahira waxa ka dhacay dibadbayo ka dhan ah go’aanka Donald Trump, waxaana isu soo baxyadan oo ay ka qayb qaadanayeen saxafiyiinta, qorayaasha, fanaaniinta iyo wax garadka dalkaasi, kuwaas oo ku cageeyay calanka Israel.

Waxaanay canbareeyeen mawqifka rasmiga ah ee madaxda dalalka Carabta iyo Islaamka oo ay ku tilmaameen mid liita oo ka hooseeya intii looga baahnaa.

Meelaha kale ee dibad baxyadu ka dhaceen waxa ka mid ah caasimada iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka Iiraan, oo salaadii jimcaha ka dib ay isugu soo baxeen kumanaan muslimiin ah oo ka cadhaysan go’aanka Donald Trump ku gaadhay in safaarada dalkiisa ugu raro magaalada Barakaysan ee Qudus.

Waxaanay dadkani ku qaylinayeen Marayknaku ha dhaco, Yuhuudu ha dhacdo, Sahnuuniyadu ha dhacdo, Falastiin ha guulaysto, Qudus waan difaacaynaa iyo halku dhego kala duwan.

Angela Merkel

Raysal Wasaaraha Jarmalka Angela Merkel ayaa canbaaraysay go’aanka Donald Trump ee Magaalada Barakaysan ee Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yuhuuda, waxaanay go’aankaas ku tilmaantay mid caqli xumo ah oo aan fulayn meel xuna dhigaya Maraykanka.

Angela Merkel oo ku sugan dalka Austria ayaa sheegtay in dalkeedi aanu safaaradooda ka rarayn magaalada Tel Aviv wax ay ugu guuraan Qudusna aanay jirin, isla markaana ay tix gelinayaan sharciyada dunida, arrinta magaalada Qudusna ay u taala Falastiiniyiinta Iyo Yihuudu go’aanka ay ka gaadhaan.

Ruushka.

Wasiira arrimaha dibada Ruushka Sargey lafrifroof ayaa si adag uga hadlay go’aanka Maraykanka ee Qudus ay ugu aqoonsadeen caasimadda Yuhuuda, kaas oo uu ku tilmaamay mid sii hurinaya dhibaatada oo caqli xumo ah.

Wasiirka Arrimaha dibada Ruushka ayaa sheegay inuu dhigiisa dalka Maraykanka waydiiyay wax ku kalifay go’aanka noocan oo kale ah ee dunida kala qaybinaya dhibaatadana dhalinaya ay u qaateen.

Kaas oo sida uu sheegay aaanu ka siin jawaab cadaan ah oo lagu qanci karo, waxa klae oo uu lafrifroof sheegay in go’aankani yahay kii ugu xumaa ee maamulka dalka Maraykanku qaato. Dhibaatadiisuna tahay mid dunida oo dhami wada dareemi doonto.

Maraykanka

Wasiirka Arrimaha dibada dalka Maraykanka Rex Tillerson, oo ka dareen celinaya culayska balaadhan ee go’aanka Madaxweynahoodu ku keenta, ayaa cadeeyay in guurista safaaradooda ee Magaalada Barakaysan ee Qudus aanay maalmo iyo bilo ku dhacayn ee labo sanadood ay qaadan doonto.

Tillerson ayaa go’doomin wayn uu ku keenay go’aanka Madaxweynihiisu ka qaatay Magaalada Qudus waxaanu sida muuqatay doonayaay inuu ku qaboojiyo cadhada iyo canbaraynta wayn ee ka dhalatay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.