WorldRemitAds
Dhakhaatiirta dalka Britain ayaa xal u arkay hab dabiici ay ula dhaqanto hooyada dhashay wiil yar oo afar jir ah, kaas oo ku soo dhashay xanuun ka mid ah cudurada dhif iyo naadirka ah ee dunida, xanuunkan oo ah mid wiilkaas yar ka maanacay inuu kala garan karo cuntada dhadhankeeda macaan ama qadhaadh.

Wiilkan yar oo lagu magacaabo Teo Carme, ayaa hooyada dhashay ay dan mooday in mar kasta oo ay wax karinayso uu madbakha kula jiro ama la kariyo, sababtoo ah waxa ay taasi u noqotay habka kaliya ee wiilkaas yari ugu yaraan ku danayn karo cuntada.
Hooyadan ayaa sheegtay in haddii waalid badani ka ilaaliyaan carruurtooda madbakha iyo marka ay cuntada karinayaan, iyagoo uga baqaya in ay amateed xumo ka qaadaan, waxa aan anigu door biday ayay tidhi in uu ila joogo oo isagu waliba siduu u arko ama u jeclaysto ilaa kariyo cuntada.
Teo Carme ayaa tan iyo markii uu dhashay hooyadii ka yaabanayd xaaladiisa caafimaad, waxaana la soo dersay, in markii uu gaadhay, xiligii ababka ee cuntada loo bilaabi lahaa, dhibaato xoog leh ay ka qabsatay hooyadii, sababtoo ah mar kasta oo ay afka wax u galiso waxa uu ka hor keenayay Matag.
Markii ay xaaladiisa ka yaabtay ayay u gaysay dhakhaatiir kuwaas oo kula taliyay baadhitaan dheer ka dib in tuubooyin lagu siiyo, cuntada oo laga daayo afka laga siinayo, taas oo runtii culays wayn ku noqotay, kana dhigtay in mar walba dhakhtar iyo cusbitaal ay ku jiraan.
Isku soo wada duuboo waxa markii uu gaadhay qof wayn ee uu awood u yeeshay socodka, ay hooyadani ka dhigtay, dabaakh la kariya cuntada, taas oo ugu yaraan u fududaysay in uu dhadhamada awood u yeesho oo matagii ka istaago, mararka qaarkood, taasoo ay hooyada dhashay wiilkaas iyo dhakhaatiirta laftoodu u arkaan in ay awood u siin doonto cunto barashada ama in uu la qabsan karo liqmada.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.