WorldRemitAds

Kaymo ku yaala dalka Talyaaniga ayaa laga helay, nin dhakhtarnimo ku takhakhusay oo u dhashay dalka Talyaaniga, kaas oo la waayay muddo labaatan sanadood laga joogo, si buuxdana loogu qoray, liiska dadka dhintay ee laga quustay.

Ninkan oo lagu magacaabo, Carlos Sanchez Ortiz De Salazar, waxa mar qudha raq iyo ruux la waayay, meel uu maray, sanadkii 1995-kii, wakhtigaas oo uu dhamaystay waxbarashadiisi jaamacadeed, ee uu ku daraasaynayay cilmiga dhakhtarnimada.

Wakhtiga la waayay ayaa sida la sheegay waxa uu Carlos da’ ahaan jiray, lix iyo labaatan sanadood, laakiin maalin kaliya ayaa raq iyo ruux meel uu maray la waayay, waalidka dhalay ayaa deg deg ugu war geliyay, booliska iyo laamaha kala duwan ee samata bixinta muwaadiniinta.

SomlegalAds

Baadhitaan dheer oo sanado qaatay ka dibna waxa ninkaas lagu qoray dadka la waayay, ee liiska dhimashada lagu daray, si buuxdana waxa uu uga quustay waalidkii dhalay iyo eheladiisi, war danbe oo la xidhiidha noloshiisa iyo in dib loo heli doona oo la helayna ma jirin.

Hasa yeeshee todobaadkan gaar ahaan maalintii salaasadii ayaa labo nin oo ka mid ah dadka, tamashlaynta kaymaha iyo safarada miyiga jecel ee dalka Talyaanigu ay si lama filaan ah uga heleen, ninkan oo duur galeen noqday.

mqdefaultLabadan nin ee halay ninkan oo iyaga laftoodu ka mid ahaa dadkii wax ka ogaa wararka ninkan ayna isku degaanka ahaayeen, ayaa ninkan ku arkay kaymaha lama galaanka ah ee Tuscany ee dalka Talyaaniga, halkaasoo uu ku noolaa isagoo duur galeen noqday.

Si deg deg ayay u war geliyeen ciidamada booliska oo ay kula hadleen telefoonadoodi gacanta, waxaana halkaas laga soo qaaday ninkan, kaas oo warbaahinta u sheegay inuu nolosha magaalooyinka iyo xadaarada casriga ah ee wakhtigan dunidu ku jirto uu nacay, si iskii ahna uu uga haajiray.

Waxa kale oo uu sheegay in aanu waxba kala socon waxyaabo badan oo dunida ka soo kordhay, wax dan ahna aanu ka lahayn oo aanu doonayn in looga sheekeeyo, sida uu sheegay waxa uu nacay nolosha casriga ah, waxaanu u sheegay warbaahinta in uu ku diiqadoonayo magaalada iyo nolosheeda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.