WorldRemitAds

Dhakhtar ku takhakhusay qaliinada wajiga lagu qurxiyo oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa isaga iyo xaaskiisu warbaahinta ku baahiyeen, balan qaadyo bilaash ah oo ay u fidinayaan haweenka xad gudubyo kala kulma guryahooda, si loo yareeyo dhibaatada nafsaaniga ah ee tacadiyadu u gaystaan.

Sida ay qortay ama lagu baahiyay shabakada wararka ee “People” Dhakhtar lagu magacaabo David Alessi iyo xaaskiisa Deborah Alessi, ayaa sameeyay ama aasaasay urur uu ugu magac daray “Face Forward” kaas oo uu kaga dhawaaqay magaalada Los Angeles waxaanu ururkiisan cusubi ilaa wali ku guulaystay inuu qaliino bilaash ah u sameeyo haween dhibaato ka mutay guryahooda iyo dagaalka xad gudubka ah ee lagula kacayo.

SomlegalAds

Sida la sheegay waxa haweenkaas loo sameeyay qaliino bilaash ah oo lacagtoodu dhan tahay marka la isku soo xooriyo 200-kun oo dollar, kuwaas oo lagaga daweeyay dhibaatooyin iyo xad gudubyo ka soo gaadhay guryahooda, arrintaas oo lagu tilmaamay fursad dahabi ah oo aan la qiyaasi karin.

Haweenayda uu qabo dhakhtarkan oo iyadu ah qofka dabada ka riixaysa mashruucan ayaa sheegtay in ay talaabadan u qaadayaan, sidii ay u caawin lahaayeen dhibanayaasha ah, waana fursad aan nooceeda oo kale dunida ka jirin ayay tidhi haweenaydaas u dhaxday dhakhtarka ee iyada iyo odaygeedu ku tabarucayaan qaliinada is qurxinta ah ee bilaashka ah.

Shuruudaha lagu xidhayo dumarka loo samaynayo qaliinadan bilaashka ah ee wajigooda lagu qurxinayo, ayaa ah sida la sheegay in gabadhu sidato waraaqaha dhaawac muujinta ee booliska iyo cusbitaalada, waxa kale oo laga rabaa in ay soo cadayso in dhibaatadu ka soo gaadhay xad gudub iyo tacadi loogu gaystay guriga, isla markaana sidato waraaq cadayn ah oo ay ka sidato dhakhaatiirta cilmi nafsiga.

Ugu danbayntii waxa dhibanaha hawshan qaliinka ah loo qabanayo laga doonayaa inuu saxeexo waraaqo laga buuxinayo oo uu ku cadaynayo, in dhibanayaasha kale ee Maraykanka uu caawin doono iyo in tabarucaadkiisa inta ugu badan uu ku darsan doono ururkan adeegiisa iyo cilmigiisa laga daweeyay ee uu aasaasay dhakhtarkaas iyo xaaskiisu.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.