WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 10, 2018 (Saxafi) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in aan haddalada ka soo yeedhaya maamulka Somalia, gaar ahaan dhaqanka cusub ee uu la soo baxay maamul goboleedka Puntland wax ka soo qaad lahayn.

“Dhamaan ganacsatada, Ardeyda, Dadka caafimaadka u jooga. Dhamaantood amnigooda anagaa ka masuul Ah”

Maxamed Kaahin oo daba joogga hadallo dhiillo saareen leh oo maamulka Somalia, gaar ahaan Puntland ugu digayaan dadka dhalasho ahaan ka soo jeedda ee ku nool Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in aanay suurta-gal ka ahayn Somaliland, “Dhaqan islaam iyo Mid kale toona Maaha in Marti iyo Maxasta la dhibaateeyo, Somalilandna dhaqan uma laha, qof kasta oo Somali ah oo Somaliland joogo waa nin wadankiisii labaad jooga, dhaqankan Somalia la soo baxdey waliba Maamulka Garoowe, Wax ka soo qaad Malaha. Waa nin Daad Qaaday xumbo cuskey. Dhamaan ganacsatada, Ardeyda, Dadka caafimaadka u jooga. Dhamaantood amnigooda anagaa ka masuul Ah cid wax yeeli kartaana ma jiro. Inshalaah” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed.

SomlegalAds

 Guddiga lagu magacaabo guddiga difaaca Puntland oo shalay mar kale shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa iyaggoo food-saare ka dhiganaya hadal dhawaan uu jeediyay guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo uu ku tusaaleyay sida dadku isugu dhex noolyahay, waxaa ay u dhigeen in la laynayo dad. Waxaana hadalkoodda ka mid ahaa “Toddobadii bishan June mas’uul u hadlay Somaliland oo lagu magacaabo Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaanu jirin Shabaab iyo Daacish , wuxuuna ku daray in dadkii ay laayeen ciidamada Puntland inay ahaayeen ciidamo kale oo isagu oggaa magacyo kalana ugu yeedhay.. isagoo ku sii daray mas’uulkaasi u hadlay Somaliland in la’laayo Ardayda reer Puntland ee wax ka barata jaamacadda Camuud ama Somaliland oo dhan.” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha maamul goboleedka Puntland. Haddalkan ayaa ah mid aan jirin oo aan la helayn meel Faysal ku sheegay in la laayo caruur iyo cid ku sugan gudaha dalka Somaliland. Sidaas oo ay tahay waxaa ay ku baaqeen xubnahani in ay ku dhawaad kun arrday oo ku sugan Somaliland baaq u soo diraan. Haddalkan masuuliyiintan ayaa dadka arrimahan faalleeyaa u arkeen mid meel ka dhac ku ah odayaal iyo wax garad kala duwan oo ka hadlay Somaliland oo ay ku jireen madaxda Jaamacadda Camuud oo meesha ka saaray in wax dhibaato ah ay la kullmi karaan dadka ku sugan Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.