WorldRemitAds

Amiirka leh dhaxalka boqortooyada Ingiriiska Amiir Charles ayaa waraysi uu siiyay telefishanka (NBC), si wayn ugaga waramay xidhiidhka iyo jacaylka u dhexeeya isaga iyo afaddiisa Camilla, isla markaana xusay sida ay suura gal u tahay in Afadiisu noqon karto Boqoradd Hadii Hooyadii oo ah Boqorada wakhtigan taajka Boqortooyada Haysaa u ogolaato inay dhaxasho.

Amiir Charles waxa kale oo uu ka waramay xidhiidhka ka dhexeeya Labadiisa Wiil Harry Iyo William oo uu ku tilmaamay mid muuqda oo cad, cid dafiri kartaana aanay jirin sida uu wanaagsan yahay xidhiidhka u dhexeeya.

Haweenaydan afadda u ah amiirka koowaad ee leh dhaxalka Ingiriiska Camilla waxay mudo dheer ahayd qofka loogu hadal haynta badan yahay marka laga hadlayo warbaahinta Ingiriiska oo ka warami jirtay xidhiidhka ka dhexeeya Amiir Charles iyo Camilla.

SomlegalAds

Sidoo kale waxay haweenaydani ahayd qofkii sababta u ahaa burburkii qoyskii hore ee Charles iyo kala tagistii isaga iyo Amiiradii Diana. Shan sanadood ka hor ayay is guursadeen Charles iyo Camilla hasa yeeshee waxa xidhiidhkoodu soo socday in ka badan rubuc qarni, waxaana sida la sheegay markii ugu horaysay ee ay is bartaan ay ahayd sanadkii 1970-kii.

Sida caadiga sharciga boqortooyada Ingiriisku dhigayo xaasaska Amiiradda Dhaxalka lihii qabaan waxa loogu yeedhayaa Amiirad, hasa yeeshee waxa jira arin aan sharci ahayn oo ka dhex jirta qoyska reer boqor taas oo ah in loogu yeedho hadii uu taajka Boqortooyada qabto Ninkeedu Boqorad arintaasi laakiin maaha sharci marka loo eego qawaaniinta Ingiriiska. Amiir Charles waxa uu arintan kaga jawaabay mar su’aal Tilifishanku ka waydiiyo magaca loogu yeedhi doono ooridiisa hadii uu taajka boqortooyadda Ingiriiska qabto.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.