WorldRemitAds

Amiir Harry oo ah dhaxal sugaha labaad ee taajka boqortooyada dalka Ingiriiska ayaa la afuray muslimiinta dalka Singapore, halkaas oo uu socdaal aadaminimo ku marayo, kuna booqan doono xarumaha carruurta agoonta iyo derbi jiifka ah lagu xanaaneeyo ee dalkaas.

Amiir Harry ayaa Axadii sagaalka Ramadaan ee aynu ku jirno boqasho rasmi ah ku tagay dalka Singapore halkaas oo sida la sheegay uu ku sugnaan doono, muddo afar ilaa shan cisho ah, waxaanu isla markii uu ka soo degay caasimadda dalkaas booqday, xarun carruurta derbi jiifka iyo agoomaha ah lagu dhaqaaleeyo, oo sida la sheegay uu isagu aasaaskeeda lahaa.

Markii uu xaruntaas booqday ayay carruurta ku jiraa u dhigeen bandhig faneed aad u xiiso badnaa halkaas oo uu ilaa gabal dhacii kula qaatay, ka dibna waxa uu si toos ah u tagay xarunta dhexe ee muslimiinta dalka Singapore oo isaga iyo ilaa boqol qof oo wax garadka bulshada Muslimiinta ee dalka Singapore loogu diyaariyay afur wadareed ay ku wada cuneen.

SomlegalAds

Amiirka ayaa farxad ka muujiyay booqashada uu ugu tagay Muslimiinta dalka Singapore iyo saacadaha soonkooda ee uu Bisha Barakaysan ee Ramadaan la qaatay, isaga oo muujiyay in wax badan ka bartay waajibaadka diiniga ah ee muslimiintu gutaan bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Dalka Singapore waxa uu ka mid yahay waddamada ururka Guud ee Islaamka aduunka ku jira, waxaana ku dhaqan muslimiin ilaa boqolkiiba afartan ka noqonaya dadka ku dhaqan dalkaas, waxaana Amiirka labaad ee dhaxalka taajka boqortooyada ingiriiska looga waramay, waajibaadka diiniga ah ee Muslimiintu gutaan bisha Barakaysan ee Ramadaan ee Soonka oo ah rukniga afraad ee Diinta Islaamka.

Booqashada Amiirka Harry iyo Afurka uu la qaatay muslimiinta dalka Singapore ayaa ku soo beegmaya xili saacado ka hor dalka Ingiriiska ay ka dhaceen, weeraro argagixo oo dhimasho iyo dhaawac badan sababay ku waas oo loo gaystay caasimadda dalkaas ee London, mana jirin hadal ku saabsan weerarada London oo uu Amiirku xafladaas ka sheegay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.