WorldRemitAds

Amiirka leh dhaxalka boqortooyada dalka Sucuudi Arabiya ayaa ogolaaday inuu sii daayo, maal qabeenka boqortooyada dalkaas ka tirsan ee Amiir Walid bin Dalaal oo ah, hantiilaha ugu lacagta badan dunida carabta, kaas oo muddo saddex bilood ku dhow ugu xidhan hudheel ku yaala magaalada Riyadh.

Sida uu ku waramay wargeyska The Wall Street Journal, maamulka boqortooyada Sucuudiga ee uu gadhwadeenka ka yahay, Amiir Maxamed Bin Salman Aala Sucuud, ayaa ogolaaday sii daynta Maalqabeen Waliid Bin Dalaal oo ay xaga hooyo ka walaalo ahaayeen Boqorkii hore ee dalka Sucuudi Arabiya Boqor Cabdalla.

Laakiin waxa uu Amiirka leh dhaxalka Boqortooyada Sucuudigu shardi ka dhigay inuu ninkaasi bixiyo lacag ilaa shan bilyan oo dollar, lagu qiyaasay, taas oo uu dhaxal suguhu ku doonayo, inuu shirkado uu gaar u leeyahay ku samaysto amah anti isaga u gaar ah uu ku samaysto.

SomlegalAds

Waliid bin Dalaal oo ka mid ah tobanka qof ee dunida ugu lacagta badan, sida ay hore u baahisay jariirada arrimaha dhaqaalaha ka faaloota ee Forbes, ayaa la isaga iyo tobanaan masuul oo uu ku jiro, maamulka Sucuudigu xabsiga u taxaabay.

Waxaana lagu eedeeyay musuq maasuq iyo wax is daba marin baahsan oo ka dhacday dalkaas, muddadii labaatanka sanadood ee ugu danbeeyay, laakiin ilaa wakhtigaas lama gayn maxkamad iyo xabsi caadi ah, midna waxaanu isaga iyo amiirada kale ee la xidhani ay ku nool yihiin hudheel kuwo lagu raaxaysto ah oo lagu xidhay.

Hore ayuu wargeyska The Wall Street Journal, xadhiga Waliid Bin Dalaal ugu tilmaamay mid ka soo go’ay dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga, oo isagu hore u waydiistay inuu shirkadaha uu ninkani gaarka u leeyahay qaarkood ku wareejiyo, ka dibna ay sidaa isugu dhaceen.

Waxa gabi ahaanba meesha ka baxday sheegashadii Dhaxal sugaha Sucuudigu ku doodayay inuu la dagaalan kula jiro, musuq maasuqa, talaabooyin wax lagaga qabanayo dadkii hantida umada lunsadayna uu ku dabo taagan yahay, hasa yeeshee waxa ay taasi isu badashay mid uu xubnaha qoyskooda ee hore lacagaha badan u dhacay kaga sii dhacayo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.