WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 30, 2018 (Saxafi) – Gabaygan oo uu tiriyey Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax) waxaa uu ifka u soo baxay 26-kii bishan dhammaatay ee June oo xaflad ballaadhan oo madaxtooyada Somaliland lagu qabtay uu Abwaanku ku soo ku soo bandhigay, waxaana markii uu bulshada ku faafay ka soo baxay dareeno is dul barkan iyo aragtiyo iska soo horjeeda oo salka ku haysa colaada ceel afwayn. Abwaanku wuxu gabayga ku iftiimiyay in ay jiraan dad colaada hurinaya oo qurbaha iyo dalka gudihiisa jooga. Waxaa kale oo gabayga tuducyada qaar tilmaamayaan in dhex laga noqdo colaada labada beelood..Balse Su’aasha la iswaydiin karaa waxay Tahay Ayaa Loo baahanyahay in ay dhex ka noqoto!. Social media_ iyo goobaha la iskugu yimaado oo gabaygani aad ugu dhexbaahay ayay dadku siyaabo kala duwan u falanqaynayaan!. Gabaygana waxaa uu abwaan ku ku bilaabay sidan:

Run markaad ka dhooftiyo Markaad, been u dhuranayso

SomlegalAds

Markaad wacad dhadhaartiyo markaad Dhaarta burinayso

Markaad dhiiqo jiiftiyo markaad, Dhiidhi rafanayso

Dhan markaad ku ciirtiyo markaad’ dhinac garsiinayso

markaad dhagar ku baaqdiyo markaad,Dhimasho diidayso

markaad dhiig ka faantiyo markaad,dhiilo kicinayso

Dhugtanka iyo kala aarsigiyo dhiidhigiyo wayda

dhan kale uga digarogo war baas, haw dheg taagina.e

Dhakafaar kan ldin daashadiyo dhaygagiyo yaabka.

dhac dhacsiga balaayadu haduu, kuu dhadhami waayo

Ooy talo is dhaan waydo, waa lagu dhamaadaaye

Ninka iilka Dhigay Seedigii, sharaf ka dheeraaye

Waxaad Faan Ka Dhigteen Tolkay. Dhawr Qofbaan Dilaye.

Dhirbaaxada dadkaagiyo xigtada, dhoocir haw noqone

Hanaw dhego nuglaanina lurkiyo, dhaadashada ceebta

Nin dhaqaale haystoo qurbaha, dhamac ka soo ooga

Isku dhufashadiinuu u huray, sooryo dhagareede

Ka dhawrsada Xumaantiyo fidmada, dhoorka fidhanaysa

waar Sidan Si dhaantuu, caqligu dhaxal ku yeeshaaaye

 

Nin colaad ku dhiiraday islaax, wuu ka dheeryahaye

Halkuu Samo ku dhaafuu naxliga, kaga dhawaadaaye

Hadii gacan ku dhiiglaha sharciga, dhaafay Lagu qaado.

oonu Galin danbiiluhu dhufays , dhabarka reerkooda

dhudhub may gasheen xaajada, dhabaqday sheekhowe

ku dhac dawladeediyo La,waa, Dhaabad Qaban layde

xaqiiqada Dharaarta ah maxaa, Dhacanta Loo Saari –

Dhiilada badhkiinbaa ku lada, Jooga dhiniciina.

Dhamacdaba ragbaa hurinayee, hoos u wada dhaada.

Balaayada dhacaysaa dadbay, guul u dhalaysaaye..

Xaajada ninkii dhayi lahaa, kala dhantaalaayo

Dawo iyo inay nabad dhashaa waa , midaan dhicine

Mashaqada haday kaa dhab tahay. Dhaymo bixinteedu

Dhex ka noqo Sokeeyaha is dilay. haysku sii dhidhine

Afartaa dhacdadan jiitantiyo dhabarjab kaa raagay

dhawaq kulul waxyeeladu ciday dhibayso mawmuujay

dadku inay dhadhamiyaan murtida dhiif ma ugu sheegay

hayeeshee waxaan dhiriqlahayn maba dhagaystaane

dhalaan iyo sidii waalid kood. ma ugu dhuun yeedhay-

Dhimashada Walaalkii ninkii, dheef ku helayoowba

Aadmiga hadaad dhibi taqaan ,. Dhuumashaa xigiye

Nabadood ku Dhaqataa aday, dhaymo kuu tahaye

Ha u diran baalayada dhanbaal, ..dhaana haw Rarin

Waar sidan si dhaantuu Caqligu.Talo ku dhaadaaye

Dhudhumada halkaad kaga jabtiyo dhaadka iyo lawga

ha ku sii dhutine dib uga noqo dhuguca laalayda

Xooxdeeda iyo dhayda ballo. waad dhadhamiseen

Dhinbiilaha rasaastiyo Qudhbaxa, dhamacda baaruuda

dhaaxad halbawlahan ku go an .dhabaq sanayseene

dhibta soo afjara ahiyo way, waad ka dheregteene

Ka dhamaada Aanada Dilkiyo Dhaxal xumaanteeda

Dhiga oo Tumaatida ka hadha, godobta Dhiigeeda

Ku dhadhaba wanaagoo isfara, wada dhisnaantiina

Dhagxumiyo faq hoosiyo ka kora Talo dhacnaanteeda

Dhanbaalkayga qaatoo tusmada, dhaama shalay maanta

Lugtu jeeni dhaaftaye adeer, dhawra magaceena

Way Dhabaqday Xaajee mar kale diida,Dhalanyeedka

Allaan idinku dhaarshee dabkiyo, dhiga hubkaa awan

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.