WorldRemitAds

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Jarmalka ee “DPA” Booliska dalka Vietnam ayaa maalintii khamiistii shalay gacanta ku dhigay, afar qof oo ka mid ah koox ka ganacsata dadka gaar ahaan haweenka, kuwaas oo u iib geeya dalka China, si loogu guuriyo raga maal qabeenada ah ee u dhashay dalka Shiinaha oo aad u jecel haweenka reer Vietnam.

Kooxahan ka ganacsada hablaha gashaantimaha ah ee reer Vietnam ayaa la sheegay in ay ku kaxeeyaan, qaab aan la dareemi karin oo khiyaamo ku jirto, waxaanay laamaha socdaalka ku dhaafiyaan iyaga oo ku labisan dharka arooska ee taajka loo yaqaano.

Kooxdan ayaa la sheegay in ay hore u iibsheen ilaa 21-aroosadood oo dhamaantood la geeyay dalka Shiinaha kuwaas oo lacag culus laga qaatay, jariirada lagu magacaabo “An Ninh Thu Do” oo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan booliska Vietnam oo lagu magacaabo, Tay Ninh, ayaa sheegay in boolisku lamaane is qaba oo ka mid ah kooxdan kootarabaaniya dadka ay qabteen, kuwaas oo lagu kala magacaabo, Nguyen Tan Hoon iyo xaaskiisa wife Tran me Thuy oo labadaba da’doodu tahay (48-jir), wax yar ka hor intaanay ka duulin madaarka Tan Son Nhat International Airport ee magaalada Ho Shih Minh.

SomlegalAds

Dhibaatada Ganacsiga Dadka Ee Waddamada Koonfur Bari EeshiyaSarkaalkan ayaa sidoo kale wargeyska “An Ninh Thu Do” u xaqiijiyay in laba dumar ah oo ka mid ahaa kooxdan, ay u suura gashay in ay ka baxaan dalkaas, ka dib markii ay gaadhi kaga talaabeen xadka Shiinaha iyo Vietnam u dhexeeya, taas oo loo qabtay laba nin oo lagu kala magacaabo, Dang Thi Nagwat oo (55 jir ah), iyo Phu Tho Thuy, 42-jir ah, kuwaas oo la rumaysan yahay in ay ka caawiyeen sidii ay u baxsan lahaayeen labadaa haweenay ee ka midka ahaa kooxdan dadka ka baayac mushtaraysa.

Kooxdan ayaa ku guulaysatay in dalka Shiinaha ay geeyaan, laba iyo labaatan gabdhood oo gashaantimo ah, kuwaas oo mid walba qof laga iibshay, waxaanay warbaahintu soo qaadatay mid ka mid ah, hablahaas la kala iibsaday oo lagu faasaxay qiime dhan 40-kun Oo lacagta Shiinaha ee Yuan-ka loo yaqaano ah, taas oo u dhiganta (6280 dollars).

Booliska dalka Vietnam ayaa bilaabay olole ay ku baadi goobayaan xubnaha kooxdan, waxa kale oo ay digniin u direen dadka dhibanayaasha ah, gaar ahaan qoysaska hablahooda aan ka war qabin iyo kuwa loo sheegay in waddan kale loo shaqo gaynayo oo sidaa lagaga kaxeeyay gabdhaha ay dhaleen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.