WorldRemitAds
Dhibaatada Kirada – Waddamada ugu dhaqaalaha badan dunida ayaa dhibaato wayni ka taagan tahay, dadka dabaqada dhexe noloshooda lagu tiriyo oo bara bixin ay ku hayaan, dhismayaasha fooqyada dhaadheer iyo guryaha tiradda badan ee shirkadaha macaash doonku dhisanayaan, waxaana waddamada Maraykanka Iyo Ingiriiska la sheegay in kumanaan qoys hoy la’aani ku dhici doonto muddooyinka soo socda.

Warbixin laga diyaariyay dhibaatadaas ayaa tusaale looga soo qaatay Lamaane u dhashay dalka Ingiriiska oo iyaga iyo caruurtoodu ay degaan bas duugoobay oo ay hoy ka dhigtaan, kaas ka mid ahaa gaadiidka lagu dhaafay geerashyada dawladu leedahay.
Dhibaatada KiradaLamaanahan ayaa sheegay in sababta ay xaaladan u door bideen ka dhalatay dhaqaale xumada ka taagan dalkooda iyo hoos u dhac ku yimi dakhligooda, sidoo kale waxa ku kaliftay inay baskaa dhex degaan, ka dib markii gurigoodi hore ee ay degaanayeen oo ay dawlada hoose lahayd uu ku yaraaday, markii guri ka wayn ay dalbadeena loo sheegay inay lix sanadood sugaan guri kii ay ku jireen ka wayn, ka dibna dantu baday inay dhex degaan, baskan duuga ah oo la sheegay in dhawr iyo afartan sanadood uu shaqaynayay, balse uu imika hawl gab noqday.
Qoyskan oo ka kooban shan ruux ama labada waalid iyo sadex caruur ah waxa ay go’aansadeen si ay guri ku filan deg deg ugu helaan inay dhex degaan baskaa, ka dibna dakhliga guri wayni uga baahan yahay inta ay urursadaan ay ku bixiyaan nidaamka eBay, loo yaqaan.
Arthur Sharp iyo xaaskiisa Lisa Luke waxa ay kharash garaynayaan lacag lagu qiyaasay £2,000- oo giniga ingiriiska ah, taas oo u suura galin karta inay hoy ka dhigtaan, baskan gaboobay. Si kastaba ha ahaatee waxa ay qoyskani ku niyad san yihiin inay galaan kuna noolaadaan guri ay ka samaysanayaan bas kuwa is dul saaran ah ee laga isticmaalo dalka ingiriiska.
Afada qoyskan ayaa jariirada Daily Mail oo warkan qortay u sheegtay in dhibaato kasta oo ka jirta ama ay kala kulmi karaan hoygoodan cusub ay haddana dantu badayso inay sidaa yeelaan oo guri ahaan u aaminaan.
Sidoo kale waxa ay sheegtay in marka aabaha qoyskani uu shaqo tago ay iyaduna ku qasbanaan doonto inay caruurta sii ilaaliso isla markaana gurigan aadka u jilicda san ilaalin doonto, waxa ay rajaynayaan inay si dhakhso ah uga baxaan xaaladan.
Dhibaatada kirada guryaha ee qaaliga ah iyo dakhliga soo gala qoysaska ee aan is dabooli karin waxa ay ka abuurtay meelo badan oo dunida ah in xaasas badan u soo baxaan dibada ama degaan meelaha barxada ah ee dawladu leedahay oo ay teendhooyin iyo wixii la hel ay ka dhisanayaan si inta dawladoodu u diyaarinayso guryo ay ku noolaan karaan u sii degaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.