WorldRemitAds

Dhibta Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Ka Haysata Dhallinyarada Iyo Qurbajooga Uu Xushay – Faallo: Maxamed Cumar Sheekh

Haddii aad u fiirsato dalalka ka tirsan dunidan maanta aan ku noolahay, waxa badi hogaamiya rag iyo haween jid dheer u soo maray xilalka ay maanta hayaan, laguna soo doortay dhinaca cilmiga, da’da iyo waayo aragnimada maamul, caalamkana kama jirro dal xukunkiisa gacanta u geliya carruur aan ka fogaa guryihii iyo dugsiyadii ay ka soo baxeen iyo qurba joogta dalkan u dhalatay ee tobanaanka sanadood shirkado iyo shakhsiyaad shisheeye u diran jireen adeegyo hoose iyo kuwa sareba isla markaana aan lahayn aqoon ku filan oo dhinaca cilmiga ah iyo waayo arragnimo maamul oo ay Somaliland iyo dadyaw kaleba ku hogaamin karaan, waxan badi dalalka caalamku dhallinyaradooda u qoondeeyaan difaaca dalkaasi iyagoo in loo qorto ciidamada miltariga iyo amniga.

SomlegalAds

In kastoo Madaxweyne Muuse Biixi uu doorashadiisii kursiga Madaxweynaha ku ololeyn jiray inuu dhallinyarada u furi doono tababarro ay dalka difaacaan oo uu ku magacaabi jiray Shaqo qaran, xukuumaddana qayb fiican ka siin doono, balse arrimahaasi uma qaadin dhinacii saxa ahaa.

Boqolaal dhallinyaro ah oo qaarkood da’doodu aad u hooseyso, lana barbardhigi karro kuwa bari dhaweyd suuqyada caasimadda lagaga xiiri jiray timahooda oo aan si islaannimo ahayn u jarteen, ayaa madaxweyne Muuse u tiriyey kuraastii laga hogaamin lahaa dalka ee xukuumaddiisa, kuwaas oo ama xafiisyadaasoo qaarkood u baahnaayeen aqoonyahanno ruug caddaa ah oo maamulka dawliga waxaa  ka soo arkay.

In kastoo aan laga xumayn in dhallinyarada dalka xilalka dawladda wax laga siiyo si looga baajiyo tahriibta, balse dhinaca kale arrintani waxay dabar ku noqotay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi. Maanta dhallinyarada iyo qurbajoogta dawladda haysataa waxay madaxweynaha u tari karaani waxa weeye iyagoo raalligeliya qorshe kasta oo dalka lagu hormarinayo ama uu dalku ku burburi karana qalinka ugu duuga, wax dood ahna aan ka keenin.

Dhinaca kale dawlad kasta oo dagaal kula jirta dal ay u aragto cadow inuu ku yahay, waxay difaaceeda u qorataa dhallinyarada dalkaasi, waxana xafiisyada lagu soo reebaa khubarada dhinaca maamulka si ay  dawladdaasi ugu dhaqaajiyaana dhinaca horumarka balse looma baahnayn in Somaliland oo maanta dagaal kula jirtaa cadowga Soomaaliya kaga soo duulay dhallinyaradii daafici lahayd xafiisyada hadhsadaan.

In kastoo ay jiraan masuuliyiin fara ku tiris ah oo ka tirsanaa xukuumaddii hore iyo tan maanta iyo kuwa ku cusub xukuumadda cusub oo hawshooda lagu kalsoonaan karro waxase ka badan qurbajoogta xukuumadda ku badan ee aan wax talo ah ku soo kordhin karin Madaxweynaha, hadii ay aqoon dhinaca tacliinta ah leeyihiina aan lahayn tacliin dhinaca dadka reer Somaliland ah, sidii ay caasimadda uga soo degeen ee xilalka loogu dhiibayna aan weli Caasimadda uga bixin Bari iyo Galbeed toona cabsina ka qaba. Dhibta kale ee meesha taal ayaa waxa ka mid ah inaanu wanaagsanayn xidhiidhka ka dhexeeya Madaxweyne Muuse Biixi iyo badi culimada diinta ee dalka, oday dhaqameedyada, siyaasiyiintii hore iyo kuwa maanta ee dalka mucaarad iyo muxaafid midkuu doonaba ha ahaadee, maadaama aan talo dalka laga weydiinaynna ka gaabsaday inay ka hadlaan xaaladda dalka, iyagoo baylahda maamul, tan difaaca dalka, tan amniga gudaha iyo nolosha dadweynahaba ku daawanaya Madaxweynaha iyo tiimkiisa.

Ugu dambatiina Madaxweyne Muuse Biixi iyo dawladda Kulmiyeba waxa haysta culays dhinacyo badan kaga imanaya, dagaalka Ceel Afweyn, dagaalka Tukaraq, dagaalka Mucaaradka, dagaalka Hawada, dhaqaalaha iyo ictiraaf raadinta ee Soomaaliya, dagaalka dhaqaalaha ee gurmadka duufaanada, welwelka doorashooyinka soo socda, iyo arrimo kale oo qarsooniba ma aha kuwa dalkan ay si buuxda uga saari karayaan carruurta haatan dalka xukunta iyo qurbajoogta loo talin jiray ee maanta dalka u talisa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.