WorldRemitAds

Dalka Shiinaha oo dhaqaalihiisu wakhtiyadii ugu danbeeyay aad u korayay, xawaare aad u sareeyana ku socday, ayaa kor u kacaa dhaqaale iyo aqoonta sare ee uu ka gaadhay tignoolajigu u horseeday in mar walba khabiirada iyo aqoon yahanada dhismaha ee dalkaas dunida u soo bandhigaan waxyaabo ka yaabiya amaba sida dadka u kuur gala horumarka dunidu ku tilmaameen qaar dunida uu dalkaasi kaga yaabiyo.

Haddaba aqoon yahanada dhismaha ee dalkaas oo lagu yaqaano, hindisaha dhismayaal noocoodu aanu dunida ka jirin, ayaa markii ugu horaysay ku talaabsaday dhismaha hudheel todoba iyo labaatan dabaq ah oo u samaysan sida Muuqaalka Taayirada ee Wareega ah ama marka daawaha iyo tayuubku ka maqan yihiin oo kale.

Hudheelkan oo laga dhisay kaabiga harada Taihu ee magaalada Hoksaw oo ah degaan u dhow magaalada Shanghai, waxa marka laga tago dhismihiisa uu qaabkiisa iyo qaybihiisa guduhu u samaysan yihiin sida hudheelada raaxada ee ugu horeeya dunida, waxaana loo dhameeyay wax kasta oo macaamiishu u baahan tahay.

SomlegalAds

Dhismaha Hudheelkani waxa uu ka kooban yahay, todoba iyo labaatan dabaq, halka qolalkiisuna ka yihiin, 321-qol, waxa kale oo uu leeyahay, 44-Guryaha Fiilooyinka ah Iyo 33-qaybaha dadka Madaxda sare sare loogu tala galay, ee afka qalaad loogu yeedho, Suites, waxa kale oo uu hudheelkani leeyahay qaybo ciyaaraha iyo mijo baxsiga martida aan doonayn in ay dibada u baxaan ku jimicsan karaan.

Hudheelkan ayaa u gacmo haadinaya dadka ganacsatada ah iyo dadka madaxda sar sare ee dunida, waxaanay injineerada dhisay, sheegeen in hudheelkani raaxada oo kaliya aanu ku ekayn ee uu leeyahay, qaybo ammaanka Madaxda loogu tala galay, kuwaas oo gaashaan uga noqon kara qaraxyada iyo gubashada ama haddii dab ka kaco hudheelka laftiisa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.