WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 13, 2012, (Saxafi) – Maalmihii ama toddobaadadii u dambeeyay waxaa magaalooyinka waaweyn ee dalka buuq ka dhaliyay deeq raashin lagu sheegay oo ka timi dhinaca dalka Cumaan, taas oo xataa galaafatay xataa masuuliyiin xilal ka hayay xukuumadda Axmed Siillaanyo, isla markaana xabsiga loogu taxaabay, ilaa haddana buuqeedu taagan yahay.

Sida ka muuqata dhokumentiyo Wargeyska Saxafi helay oo la xidhiidha mucaawinaddan waxaa jira xaddi badan oo caawimaddan ka mid ahaa oo aan illaa immika meel ay jaan iyo cidhi dhigeen laga waramin.

Mid ka mid ah Dhokumentiyaddan oo ah waraaqdii lagu soo raray deeqdan waxaa dekedda magaaladaMuscatee dalka Cumaan laga soo raray 12/2/2012, iyadoo deeqdan xadiga miisaankeedu yahay 1,000m/t (kun mitir tan) oo isugu jirtay raashin kala duduwan iyo agab kale oo ah kuwo daruuriga ah ee qoys kastaa u baahan yahay.

SomlegalAds
Dhokumentiga deeqdan lagaga soo raray Cumaan oo muujinaya xadigeeda iyo jihada ay u socotay (Export Shipping Note)

Waxa kale oo qoraalkan ka muuqata in doonida deeqdan soo qaaday loogu talo-galay inay geyso dekedda Boosaaso.

Hase yeeshee, warqad kale oo dhokumentiga ka mid ah ayaa waxay muujinaysaa codsi uu ku saxeexan yahay nin magaciisa la yidhaahdo Axmed Maxamed Geelle oo ah Maamulaha hay’ad la yidhaahdo Somaliland Islamic Welfare Org, isla markaana ah hay’adda cinwaankeedu ku xardhan yahay waraaqdiisa codsiga ah taas oo uu ku socodsiinayo Shirkad wakiil u noqoto maraakiibta iyo doonyaha oo la yidhaahdo Tamarta Shipping Agency, isagoo qoraalkiisa ku caddeeyay inay masuul ka yihiin alaabta saaran doonta la yidhaahdo Al-Mukhtaar oo ah mid mucaawimo ah oo loogu talo-galay dadka baahan, kuwa abaaruhu barakiciyeen iyo kuwa dan yarta ah ee reer Somaliland, sidaas darteedna waxa uu ka codsaday inay u sameeyaan codsiga soo degista allaabtan.

Dhokumenti Muujinaya cidda masuulka ka ahayd deeqdan ee ka soo rogtay Doonta sidday markii ay dekedda Berbera soo gaadhay

Waxa kale oo ay dhokumentagi caddaynayaa qaybaha kala duwan ee ay deeqdani ka koobnayd, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen raashin isugu jira, bariis, daqiiq, timir, caano laba nooc ah oo kuwo carruurta ah iyo kuwo kale, sharaab noocyo kala duwan ah, buskudyo, cadas, sonkor, fuul, xawaashyo, faasuuliye. Sidoo kale waxaa deeqdan ku jiray agabyo ay ka mid ahaayeen furaashyo, berkimooyin, bustayaal, roogag, maacuun, koobab, jirikaanada biyaha, kilaadhida shaaha, xaafaayadaha caruurta, saabuunaha dharka iyo jidhka, daawooyin iyo qalab caafimaadba.

Sidoo kale waxaa dhokumentiyadan ku cad in deeqdani tahay dufcadii labaad ee loo diroSomalia.

Xadiga deeqdani ka koobnayd ayaa haddii gaadiid ahaan lagu qiyaaso noqon karta in ka badan 60 gaadhi ayaan weli la arag dadkii danyarta ahaa ee loogu talo-galay in la gaadhsiiyo, sidoo kale xukuumadda ayaan ilaa hadda gacanta ku dhigin raggii masuulka ka ahaa qaybinta raashinkan ee furaha u ahaa dayaca raashinkan iyo musuqa ku dhacay..

Qaar ka mid ah illaha aanu ka helay warkan ayaa waxa ay su’aalo ka keeneen halka ay ku danbeysay mucaawimadan xoogeeda iyo noocyaddii kale, Iyadoo aynu ogsoonahay mucaawinada ilaa hadda ay xukuumaddu dadka u soo bandhigtay inay qabteen ay ka kooban yihiin oo keliya noocyada raashinka ah ee kala ah Bariis, timir, faasuuliye, caano iyo fuul,?, sidaas darteed waxaanu isku daynay in aanu la xidhiidhno Wakiillada Dokomantiyaddan ka muuqda si aanu wax uga weydiino arrimahaas iyo sababta keentay in xoolaha ay masuulka ka yihiin ku dhacaan gacmo musuq-maasuq, balse nooma suurtagelin in aanu hello, lamana ogga ilaa hadda noocyadii kale ee raashinka iyo agabka kale ee gurigaba isugu jiray ee deeqdaasi ka koobnayd halka ay ku danbeeyeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.