WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, July 03, 2018 (Saxafi) – Wasiirka Xannaanada xoolaha ee Soomaaliya Nuur Maxamed Xassan ayaa sheegay in dhoofka xooluhu ay meel wanaagsan marayso dalka Somalia, lana qaaday xayiraaddii saarneyd dhoofinta xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jiray dalka Sucuudiga taas oo la saaray sanaddii 2016-kii.

Dalka Sacuudiga oo ah dalka ugu badan ee Soomaaliya looga dhoofiyo Xoolaha Nool ayaa bishii September ee sanadkii 2017-dii xayiraad saaray in loo dhoofiyo Xoolaha nool una sababeeyay in Xoolaha Soomaaliya ay qabaan xanuunka, balse Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ayaa xaqiijisay inaanay  xanuunkaasi qabin Xoolaha Soomaaliya. “Dhoofka Xooluhu Si Wanaagsan ayay u socdaan, waxaana Sucuudigu Qiray badqabkooda’

SomlegalAds

Wasiirka Xannaanadda xoolaha dhirta iyo daaqa xukuumadda Soomaaliya Nuur Maxamed Xassan ayaa shir jaraa’id shalay ku qabtay waxa kale oo uu ku sheegay in 24-kii bishii Augosto ee sanadkii 2017kii shir ay la yeesheen Wasaaradda deegaanka,Biyaha iyo Beeraha dalka Sacuudiga ay ka soo baxeen qodobo muhiim u ah Somalia oo ay ugu muhiimsaneyd in Sacuudigu qireen badqabka iyo caafimaadka Xoolaha Soomaaliya.

Dalalka ugu badan ee Soomaaliya Xoolaha nool ay u dhoofiso waxaa ka mid ah dalka Masar,Cummaan oo xidhiidh wanaagsan oo dhanka dhoofinta ahi ka dhaxeeyo Soomaaliya. Sidoo kale, Yemen iyo Sacuudiga oo ah dalka ugu badan ee Xoolaha looga dhoofiyo Soomaaliya ayaa ku doodaya in sanadaha soo socda la kordhin doono.

Wasiirka ayaa ugu danbeyntii sheegay n Xannaanada Xoolaha Soomaaliya loo abuurayo Suuq cusub oo ganacsiga xoolaha ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.