WorldRemitAds

Mr. Simon Allison,

London, UK, November 01, 2015 (Saxafi) – Xeel-dheere khabiir ah oo lagu magacaabo Mr. Simon Allison, oo ah la taliye ka tirsan Mac-hadka caalamiga ah ee ugu weyn dunida ee dhinaca daraasaadka istaraatijiyadda siyaasadda caalamiga ah ee ISS (Institute of Strategic Studies), oo xaruntiisu tahay magaalada London, ayaa farta ku fiiqay oo ku tilmaamay rajadii ay Somaliland ka qabtay in ay beesha caalamka ka mid noqontaa uu noqday mid god madow ku dhacay, Waxaanu Mr. Simon Allison, walaac weyn ka muujiyay sida uu Madaxweyne Axmed Siillaanyo, ugu tuntay dimuqraadiyadii iyo xorriyatul qawlkii ay Somaliland kaga duwanayd, dalkii hore la isugu odhan jiray Soomaaliya sidaana waxa uu sheegay warbixin uu ku daabacay warsidaha All Africa.

28-10-2015-Somaliland-ContentMr. Simon Allison, waxa uu ku yidhi warbixintiisan “Siyaasiyiinta Somaliland waxay inta badan caan ku yahiin magaca naanaysta ah, sidaa awgeedna Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, wuxuu la wadaagaa naanaystiisa oo ah (Siillaanyo), oo macnaheedu yahay xayawaanka yar ee Siilaanyada loo yaqaano oo ah xayawaan aad u daciifka ah, laakiin Siillaanyo maaha mid magaciisa ka turjumayo naanaystiisa daciifka ah, manuu ahaadeen wakhtigana madaxweynaha Somaliland sharciyan, wuxuu wakhtigisii rasmiga ahaa ee la doortay dhacay uu ku ekaa 26-kii, bishii June sannadkani 2015-ka”

SomlegalAds

Mr. Simon Allison, oo ka hadlaya galdalolooyinka ka muuqda dimoqraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland, waxa kale oo warbixintiisa ku xusay oo yidhi
”Inkasta oo Somaliland, tahay wadan aan weli beesha caalamka ka helin aqoonsi, oo hadana naaloonaya deganaanshiyo uu kaga duwanaa Soomaaliya inteeda kale taas oo ay bulshada caalamku ku ammaanto, haddana waxa sumcaddii Somaliland la degay doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda oo lagu fadeexadeeyay, tusaale ahaan golaha wakiiladda Somaliland waxa la doortay sannadkii 200,5-tii, muddada la doortayna waxay ahayd shan sannadood oo kaliya, balse awooda kursiga weli ku sii fadhiyaan, muddo dhaaf laba jeer ka badan mudaddii la soo doortay. Sidoo kale, waxa taas kas ii fajiciso badan in Madaxweyne Axmed Siillaanyo oo shan sanno ka hor la doortay, kuna yimid ballan-qaad ah inuu doorashada xilligeeda qabanayo, ay golaha guurtida oo ah gole aan la soo doorani ay Laba iyo labaatan bilood u kordhiyeen mudadda xilka, taasina waxay ku tusaysaa sida ay dimoqraadiyadii u saqiirtay, sidoo kale, Maxamed Biixi Yoonis oo ahaa Wasiirka khaarajiga Somaliland, dhawaana xilka iska casilay, ayaa mudaddii uu xilka hayay ka dhawaajiyay in aqoonsi la’aantu ay tahay dhibaatada ugu weyn ee Somaliland haysata” ayuu yidhi Mr. Simon Allison,

Original Article 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.