WorldRemitAds

Sannadkii 1944kii Intii lagu Jiray Dagaalkii Labaad ee adduunka, waqtigaas Waxa ciidanka Jarmalka ka goostay sarkaal sare oo la odhan jiray G.HUIZINGER. Taliyahaasi wuxu mucaarid ku ahaa ADOLF HITLER.

Intaas kadib sarkaalkan Jarmalka ah ee falaagoobay wuxuu nabad gelyo siyaasadeed waydiistay dalka Britain. Waanay soo dhaweeysay, sirdoonka Ingiriisku wuxu bilaabay siday Taliyahan uga heli lahaayeen wixii sir ah ee uu ka hayo cidamadda Jarmalka.

SomlegalAds

Intii lagu gudda jiray weraysigiisa wuxu diiday inuu bixiyo wax  sir ah oo ku saabsan ciidanka jarmalka,  waxa kale oo uu diiday in uu wax macluumaad ah ka bixiyo cutubkii  militari ee uu ka tirsanaa Iyo inuu  sheego Magacyada Saraakiisha Taliska dhexe ee Jarmalka, xataa wuxuu diiday in uu ku laabto Jarmalkii si looga dhigo laba ka shaqeeye sirdoon ah oo u shaqeeya sirdoonka Ingiriiska,  waxa kale oo la soo marsiin waayay in uu TV-ga ka soo muuqdo isagoo ka hadlaya denbiyada ay gaystaan askarta Jarmalku si uu u kala jabiyo Askarta  Jarmalka Isla Markaana kala qaybiyo. Markuu intaasoo dhan diiday Baadhayaashii Ingiriisku waxay taliye HUIZINGER su’aaleen:

Sideed Nabad gelyo Siyaasadeed nooga doonaysaa addiga oon wax sir ah naga siinin ciidamadda Jarmalka? Maxaad ku caddaynaysaa inaad HITLER mucaarid ku tahay!

Taliye HUIZINGER wuxu ku jawaabay: Iddinku ma doonaysaan Nin HITLER mucaarid ku ah waxaad doonaysaan khaayin’ul Waddan aniguna ma noqon karo khaayin’ul waddan!

Sarkaalkii Ingiriiska ahaa ayaa ku jawaabay: Addigu markaad halkan timiba waxad ahayd khaayin waddankiisii soo khiyaameeyay!!

Sarkaalkii Jarmalka ahaa hadalkaasi  aad buu u dhibsaday  si xuna Wuu ugga qoomamooday, wuxuna ku tashaday in uu  Jarmalkii ku noqdo isagoo og  in taa macnaheedu  tahay  dhimasho lama huraan ah, waayo wuxu  ogyahay in qofkii  khiyaamo Qaran ku kaca xukunkiisu Toogasho yahay. Laakiin taliye HUIZINGER wuxuu dareemay in dhimashada uu waddankiisa ku Dhintaa ay ka sharaf baddan tahay ku noolaanshaha Ingiriiska.

Sirdoonkii Ingiriisku wuxu go’aan ku gaadhay in aanu Sarkaalkani waddankiisii ku noqon isagoon bixin waxa macluumaad ah ama sir ah.

Intaas Kadib Taliye HUIZINGER waxa la iskugu daray Garaacis iyo Jidh dil xad dhaaf ah iyadoo la rabo in macluumaadka iyo sirta uu waddankiisa ka hayo xoog lagaga soo saaro, Laakiin Taliye HUIZINGER wuxu ku adkaystay inuu sidaa ku dhinto isagoon wax sir ah Waddankiisa ka sheegin, sidii baanuu ku dhintay isagoon wax sir ah laga helin…

(Way kala duwan tahay farqi weyn baana u dhexeeya ka soo horjeedka nidaam siyaasadeed, xukuumadeed, shakhsiyadeed iyo inaad noqoto khaayin’ul waddan cadowga u addeega oo ummaddiisa iyo carruurtiisa laaya.)

 (XIGASHO_ TAARIKHDA JARMALKA)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.