WorldRemitAds
Mombasa, Kenya, December 21, 2015 (Saxafi) – Diyaarad Boqolaal ruux sidday oo laga leeyahay dalka Faransiiska oo ka soo duushay dalka Mauritius kuna sii jeeday magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa si deg deg ah loo fadhiisiyey dalka Kenya, ka dib markii laga dhex helay walax ama shay laga shakiyey Suuliga, waxaana ciidamada amaanka dalka Kenya iyo kuwa Faransiisku ay badhayaan shaygan laga shakiyay iyo madaarka laga soo saaray.

Diyaarad Faransiiska ku socotayMasuuliyiinta dalka Kenya ayaa baadhis ku wada shayga laga shakiyay oo laga helay suuliga diyaaradda, taas oo horseedday in diyaaraddu ay ku degto garoonka diyaaradaha ee magaalada Mombaasa. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaysa in masuuliyiinta dalka Kenya oo la kaashanaya khubaro ka kala socda Faransiiska iyo Mauritania ay ku hawlan yihiin sidii loo xaqiijin lahaa walaxdani waxa ay tahay.
Qaar ka mid ah, rakaabkii diyaaradda ayaa su’aalo la weydiiyay hase ahaatee wax tafaasiil ah ama faahfaahin badan lagama bixin in la xidhay iyo in kale dadkaas.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.