WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 04, 2018, (Saxafi) – Diyaarad ay la socdeen 50 dhallinyaro ah oo reer Somaliland ah oo doraad laga celiyay madaarka Hargeysa ayaa shalay mar kale ku soo laabtay, Islamarkaana loo ogolaaday inay ka soo degaan.

Dhalinyaraddan oo dhawaan laga soo celiyay wadanka Liibiya ayaa waxay ka duushay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku soo jeeday magaalada Hargeysa doraad. Badi dhalinyarada saarneyd diyaaraddu  waxay ka soo jeedeen deegaanada Somaliland, laakiin mas’uuliyiinta Somaliland, gaar ahaan kuwa duulimaadka Hawada, ayaa u diiday diyaaradda inay caga dhigato Garoonka Cigaal International Airport.

SomlegalAds

Wararka ayaa sheegaya in xitaa maamulka garoonka Hargeysa loo sheegay in diyaarada aanay haysan Shidaal ku filan, sidaas darteeda ay muhiim tahay inay degto, laakiin ay ka dhago adeegdeen baaqaasi.

Diyaaradda ayaa waxay doraad ka degtay garoonka magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Somalia ee Puntland, halkaasi oo shalay ay dib uga soo duushay dhinaca Hargeysa markii loo ogolaadey inay ku degi karto Garoonka Cigaal International Airport.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada iyo Madaarrada Somaliland Cabdi Maxamed Rodol ayaa sheegay in sababta loogu diiday diyaaradu inay caga dhigato Hargeysa ay ahayd in aanay Madaxda Garoonka cidna aan la socon laguna soo wargelin imaanshaheeda.

Si kasta ha ahaatee shalay waxaa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay dhalinyaraddan madax kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda iyo xisbiyadda Somaliland waxaana lagula taliyay inay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Tahriibka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.