WorldRemitAds

Qaahira, Masar, November 1, 2015 (Saxafi) – Diyaarad laga leeyahay waddanka Ruushka oo sidday rakaab tiradooda lagu sheegay 224-qof ayaa ku burburtay shalay deegaanka Siinaay oo ku taalla Waqooyiga dalka Masar, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Masar.

Russia-plane-crashWarbaahinta dalka Ruushka ayaa iyaguna baahiyay in khadka diyaaradda uu lumay kaddib markii duuliyuhu uu sheegay inuu ku caga-dhiganayo garoonka ugu dhow ee uu awoodi karo, markaas kaddibna aan laga helin wax war ah diyaaradda.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay ku dhacday dhul buuraley ah oo ku yaalla Siinaay, Masar, iyadoo shaqaale caafimaad iyo 50-gaadiidka oo kuwa gurmadka deg-degga ah loo diray goobtaas, inkastoo la sheegay inay aad u adag tahay in la gaadho.

SomlegalAds

“Diyaaraddu waxay ku dhacday waqooyiga gobolka Siinaay, gaar ahaan Housna oo 300-km u jirta magaalada Sharm el-Sheikh ee Masar”, sida laga soo xigtay xafiiska ra’iisul wasaaraha Masar.

Rakaabka diyaaradda saarnaa ayaa la sheegay inay isugu jireen 217 rakaab ah iyo 17-qof oo ahaa shaqaalihii diyaaradda; mana jiraan cid ka badbaaday oo illaa hadda la sheegay.

Russia-plane-crash-169Wararka ayaa intaas ku daraya in diyaaradda ay ka duushay magaalada Sharm el-Sheikh ayna kusii jeedday magaalada St. Petersburg ee waddanka Ruushka, iyadoo la sheegay in rakaabkii saarnaa ay intooda badan ahaayeen dalxiisayaal Ruusha ah.

Dhanka kale, shaqaalaha duulimaadyada rayidka ah ee dalka Masar ayaa iyana sheegay in xidhiidhka diyaaradda uu lumay 23-daqiiqo kaddib markii ay ka duushay garoonka Sharm el-Sheikh.

Ugu dambeyn, diyaaradda ayaa nooceeda lagu sheegay; Airbus 321, waxaana inta badan loo yaqaannaa Metrojet, iyadoo la sheegay in xilliga xidhiidhkeedu uu go’ayay ay cilimadu ahayd mid wanaagsan.

Dhinaca kale, Ururka Daacish ee ISIS ee ka dagaalama dalalka Carabta qaar ka mid ah ayaa sheegtay inay iyagu ka dambeeyaan dhicitaanka diyaaraddan, iyagoo war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay iyagu soo rideen diyaaradda oo aanay u dhicin cillad la soo daristay.

Rakaabkii saarnaa diyaaraddan ayaa waxay isugu jireen 138 qof oo haween ah iyo 62 rag ah, waxaana sidoo kale ku jiray 17 carruur ah. waxaana xukuumadda Ruushku ay sheegtay in 224-qof oo ka mid ah rakaabka ay u dhasheen Ruushka, halka saddex qof ee kalena ay u dhasheen dalka Ukraine.

Safaaradda Ruushku uu ku leeyahay magaalada Qaahira ayaa sheegay inay qaar ka mid ah saraakiisha dalka Masar u sheegeen in duuliyuhu uu isku dayay inuu ku dajiyo diyaaradda garoonka El-Arish, balse nasiib-darro uu xidhiidhkii diyaaraddu lumay.

“Waan arkay burburkii diyaaradda,” ayuu sarkaal hay’adaha amaanka Masar ka tirsan u sheegay Reuters. Isagoo hadalkiisa raaciyay. “Waxaan arkay maydadka dad badan oo ka mid ah rakaabkii diyaaradda oo ku teedsan buuraleyda ay diyaaraddu ku dhacday.”

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yidhi. “Diyaaraddu laba qaybood ayay u kala jabay. Qayb ka mid ah burburka diyaaraddana wuxuu ku gubtay buuraha. In ka badan 100 mayd ah ayaa dibadda kusoo dhacay, intii kalena weli waxay weli ku jiraan burburka diyaaradda.”

Gobolka Siinaay ayaa ah goob ay ku xooggan yihiin Islaamiyiin xidhiidh dhow la leh kooxda khilaafada Islaamka, kuwaasoo dilay boqolaal ciidammada Masar ka mid ah, sidoo kalena weerarro ku qaaday danaha reer galbeeedku ay ku leeyihiin dalka Masar.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay baroor-diiq Qaran oo loogu barooranayo boqolaalka qof ee Ruushka ah ee ku dhintay shilka diyaaradeed, baroortaas oo ka dhacaysa Ruushka oo dhan maanta oo Axad ah.

Warbaahinta dalka Ruushka ayaa baahiyay ehellada rakaabkii diyaaraddan la socday oo ku barooranaya gudaha garoonkii ay ku wajahnayd. Waxaana la sheegay in diyaaraddan oo la sameeyay sannadkii 1997-kii ay sameysay in ka badan 21,000 oo duullimaad oo caalami ah.

Shilkan iyo sheegashada kooxda IS ee mas’uuliyaddad dhicitaanka diyaaraddan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowladda Ruushku ay duqeymo cirka ah oo ay ku beegsanayso kooxda Daacish ay kawaddo Suuriya, kuwas oo ay si rasmi ah u billowday 30-kii bishii September ee sannadkan.

Ugu dambeyn, madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin ayaa sheegay in Masar ay u dirayaan khuburo Ruushan ah oo baadhitaanno kusoo sameynaya qaabkii uu u dhacay shilka diyaaradda laga leeyahay Ruushka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.