WorldRemitAds

Badhan, Somaliland, June 28, 2018 (Saxafi) – Xarunta gobolka Badhan ayaa maalintii shalay waxa ka degtay diyaarad laga leeyahay wadanka Emaaraatka Carabta oo aad la isu weydiiyay.

”Anaga diyaaradu samada ayay nagaga soo degtay imaatinkeedana waxaa nagu wargeliyey…” Guddoomiyaha Gobolka Badhan

Diyaarad Su’aallo Dhalisay Oo Ka Degtay Badhan Iyo Baabuur Lagu Dhacay

Guddoomiyaha gobolka Badhan Cali Xusseen Maxamed oo khadka telefoonka ugu waramay Wargeyska Saxafi ayaa xaqiijiyay imaatinka diyaaradaas, isaga oo sheegay in ay muddo saacado ah ku sugnayd magaalada, waxaana uu gudoomiyuhu sheegay in ay hay’adu ahayd mid illaa iyo 2009 kii mashaariic kala duwan ka fulinaysay gobolkaaas.

SomlegalAds

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay hay’adu ilaa mudadaa ay ahayd mid xidhiidh la lahayd madaxda dhaqanka, isla markaana hanaan si ka madax banaan maamulkayaga gobolka uga fulinaysay mashaariicda waxaana uu ku bilaabay hadalkiisa ”Maanta (Shalay)xilli ku beegan salaadii duhurnimo ayay diyaarad laga leeyahay wadanka Emaaraatka Carabta timid, taas oo ay saarraayeen laba masuul oo ka tirsan hay’add khayri ah oo lagu magacaabo Sayid Khaliifa” ay ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Badhan, waxaana uu socdaalkoodu ahaa mid ku salaysan xidhiidh ay la soo samaysay madaxda dhaqanka gaar ahaan suldaan guud Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, waxaana ay joogeen wakhti kooban magaalada, waxaana ay kulan qado ah oo uu suldaanku ugu sii talo galay ay kula qadeeyeen qasriga uu ka degan yahay magaalada Badhan suldaanku”


“Salaadii duhurnimo ayay diyaarad laga leeyahay wadanka Imaaraatka Carabta timid,” Guddoomiyaha Gobolka Badhan


”Hay’addan lagu magacaabo Sayid Khaliifa ee Imaaraatiga ahi xidhiidhkeeda dhaqanka iyo fulinta mashaariicaheedu ma ahayn kuwa hadda bilaabmay, hase ahaatee wuxuu ahaa mid soo bilaabmay 2009 kii, iyaga illaa mudadaas ku hawlanaa fulinta mashaariic ay gobolka ka fuliyeen, waxaana ay hore xarunta gobolka uga fuliyeen guryo tiradoodu tahay 30 guri oo ay u dhiseen dadka danyarta ah, masaajido, iyo weliba quudin ay dadka ku xoolo beelay abaarihii laga soo gudbay soo gaadhsiinayeen, sidaa awgeed imaatinka diyaaradu ma aanu ahayn wax ku cusub gobolka waxaana ay siddey laba xubnood oo ka tirsan hay’addaas, iyadoo labada xubnood mid ahaani ka soo jeeday deegaanka gobolka”

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay inaanay wax maamul ah shaqo ku lahayn hay’addu, “Anaguna haddaanu nahay maamulkii gobolka qayb waxaanu ka ahayn soo dhaweyntooda iyo ka qaybgalka martiqaadkii suldaanku ugu talo galay, sidoo kale waxaanu la qaadanay suldaanka xogwarrankii ay siinayeen suldaanka guud ee deegaanka Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, maamuus ahaantayada maamulna runtii ma aanay ahayn mid meesha ka maqnayd oo ay ka saaraysay hay’adda maxalliga ahi, waxaana ay si buuxda u muujinayeen jiritaanka Xukuumada Somaliland ee deegaanka ka talisa, anaguna aanu masuulka uga ahayn.”

Diyaarad Su’aallo Dhalisay Oo Ka Degtay Badhan Iyo Baabuur Lagu DhacayGudoomiyaha ayaa warbixintiisa kaga jawaabay xog sheegaysa in diyaaradani soo martay magaalada Qardho, isla markaana kula soo kulantay boqor Burhaan ka Qardho ka taliya, waxaanu yidhi ”Anaga diyaaradu samada ayay nagaga soo degtay imaatinkeedana waxaa nagu wargeliyey suldaanka guud ee deegaanka suldaan Siciid suldaan Cabdisalaan, markaa hadday dhir soo fadhiisatay iyo hadday Qardho soo fadhiisatay anagu caddeynteeda ma hayno dhib iyo shiddo ay nagu soo siyaadinaysayna ma aanu ogayn, markaa arrintaasu ma aanay ahayn mid nagu kalifaysay dabagal illaa xadkaas ah, mar haddii aanu hay’adda iyo waxqabadkeedu ay ahayd mid aanu muddo dheer oo hore la soconay ” ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Badhan


“Gaadhigu waa qolyo ay ka dhaxayso sida ay sheegeen shuraako Macdanta ahi..” Guddoomiyaha Gobolka Badhan


Diyaarad Su’aallo Dhalisay Oo Ka Degtay Badhan Iyo Baabuur Lagu DhacayDhinaca kale guddooomiyaha ayaa wargayska xog ka siiyey gaadhi nooca Land-cruiser ka ah oo lagu dhacay duleedka gobolkaa waxaanu yidhi ‘Gaadhigaa la dhacay wuu jiraa waxaanu ahaa nooca Land Cruiser-ka, waxaana dhacay niman dhalinyaro ah, illaa iyo haddana waxa lagu jiraa hawshiisa, waxaana ay sheegeen dhallinyarada gaadhiga gacanta ku haysaa in uu ka dhexeeyay shuraako hore qolada gaadhiga wadatay. taasoo ahayd mid ah dhagxanta macdanta oo ay ka wada shaqaysan jireen, isla markaana ay u sheeganayaan inamada gaadhiga watay lacag macdan hore oo ay soo iibsheen, markaa cid wax ku gaadheen iyo gaadhiga laf ahaantiisaba ma jirto, hawshaasna waxaanu rajaynaynaa in sida ugu dhaqsaha badan ay odayaasha dhaqanka iyo maamulkayaga gobolka oo iskaashanayaa aanu xisaabtan siino labada dhinac, isla markaana aannu si aad ah ugu rajo weynahay inaanu dhamayno” ayuu yidhi gudoomiyuhu.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.