WorldRemitAds

Djibouti, April 9, 2018 (Saxafi/CNN) – Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Saldhigga uu dalkaasi ku leeyahay Djibouti, ayaa shalay dib u bilaabay hawl-galadoodii ka wadeen dalalka ku yaal Bariga Afrika, sida uu Sarkaal Sare oo ka tirsan wasaaradda Difaaca Maraykanku u sheegay Telefiishanka CNN, kaas oo sheegay in gobolkani yahay meel xasaasi ah oo ay ciidamadoodu ka wadaan hawl-galo lagu dagaalamo wax uu ugu yeedhay argagixisada.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay kadib markii ay Dawladda Djibouti dabayaaqadii toddobaadkii hore ka joojisay hawadeeda inay duulaan diyaaradaha milateriga ee ciidamada Maraykanka ee Saldhigga ku leh dalkeeda, kadib markii Salaasadii toddobaadkii hore ay laba diyaaradood oo ay leeyihiin ciidamada Maraykanku dhaceen, iyadoo mid ka mid ah diyaaradahaasi ay ku dhacday Madaarka Caalamiga ah ee Djibouti halka diyaaradda labaad oo ahayd kuwa qumaatiga u kaca (helicopter) uu dhaawac soo gaadhay wakhti ay fadhiisanaysay iyadoo ka qayb-qaadanaysay carbis ciidamada Milateriga Maraykanku samaynayey oo loo yaqaan Alligator Dagger.

SomlegalAds

Hase yeeshee sida ay saddex sarkaal oo ka tirsan wasaaradda Difaaca Maraykanku u xaqiijiyeen CNN, labada shil kadib waxay Dawladda Djibouti xayirtay dhamaan duulimaadyada diyaaradaha ciidamada milateriga ee Saldhigga dalkeeda ku leh, taas oo sababtay in gebi ahaanba la hakiyo dhammaan carbiskii iyo hawl-galadii u qorshaysnaa ciidamada Maraykanka.

Saraakiisha Milateriga iyo Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa muddo xayiraadu saarnayd waxay aad ugu hawlanayeen sidii ay Dawladda Djibouti ugu qancin lahaayeen inay go’aankeeda ka noqoto, si ay hawlgalada la-dagaalanka argagixisada ee ay gobolka ka wadaan gaar ahaan dalka Somalia ay u sii wadaan, waxaanu warku intaas ku daray in wakhtigan xayiraaddu saarnayd ciidamada Maraykanka ay haddana fuliyeen hawl-gal duqeyn ah oo ay diyaaradaha Maraykanku ku duqeeyeen Khamiistii ina dhaaftay koox Al-shabaab ka tirsan meel u dhow Jilib, halkaas oo sida ay sheegeen ay ku dileen saddex ka mid ah dagaalyahanka Al-Shabaab, isla markaana ku burburiyeen hal gaadhi oo ay wateen.

Ciidamada Maraykanka ayaa Saldhigga Milateri ee ay ku leeyihiin Djibouti u arka mid ahmiyad weyn ugu fadhiya, isla markaana muhiimad weyn ka qaata hawl-galada ay kula dagaalamayaan argagixisada ee ay ka fuliyaan wadamada Yemen iyo Somalia.

“Djibouti waxay ku taalaa bugcad istaraateji noo ah” sidaa waxa yidhi Jeneraal Thomas Waldhauser, oo ah taliyaha Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) oo bishii hore hortegay aqalka Odayaasha Maraykanka. “Saldhigaasi waa mid aad noogu muhiim ah” ayuu raaciyay.

Hase yeeshee Saraakiisha Maraykanka ayaa walaacweyn ka qaba saameynta uu dalka Shiinuhu beryahan dambe ku yeeshay dalka Djibouti, kaas oo isugu jira saldhig milateri oo uu ka samaysanayo meel u dhaw Saldhigga Maraykanku ku leeyahay dalkaas iyo sidoo kale xidhiidhka ganacsi ee Shiinaha iyo Djibouti samaysteen.

Jeneraal Waldhauser, waxa uu Kongareska u sheegay in labadaas arrimoodba ay saameyn ku yeelan doonaan danahooda, isagoo si gaar ah u xusay arrin uu sheegay inay tahay mid si weyn natiijadeedu u soo bixi doonto, waxaanu yidhi: “Waxay taasi tahay in Dawladda Djibouti hadda deynta uu Shiinuhu ku leeyahay ay ka badan tahay $1.2 Billion. Waxa dhici karta in wakhti iman doona loo baahan doono in lacagtaas ay Djibouti soo celiso, taas oo sahli karta in Shiinuhu fursad u helo inuu kaantaroolo dekedda Djibouti, inkastoo aanu balanqaad Djibouti ka haysano ah in aanay la wareegi doonin maamulka dekedda haddana haddii ay dhacdo waxaa iman doonta in saadkayaga iyo agabkayaga milateri ee halkaas nooga soo dega la saari doono shuruudo adag. Sidaas darteed, goobtaasi waxay noo tahay mid muhiim ah, waana inaanay gacanteena ka bixin.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.