WorldRemitAds

Washington, USA,  July, 19, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu gar-waaqsaday isla markaana ogolaaday baadhista Laamaha Sirdoonka Maraykanku ku sheegeen in Ruushku farogeliyey doorashadii Maraykanka ee 2016-kii, taas oo ah mid burinaysa hadalladii uu ka yidhi shirmadaxeedkii uu la yeeshay Vladimir Putin Isniintii.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa cambaareyn kala kulmay Aqalka Congress-ka oo ku dhaliilay hadalkiisii ahaa in aanay u muuqan sabab caddayn karta in Moscow doorashooyinkaa farogelin karaysay.

SomlegalAds

Balse dhinaca kale marka la eego hadalkiisan ugu dambeeyey ayaa waxaa uu ku sheegay in uu doonayey in uu ku cadeeyo in hadalkaa uu hore u yidhi uu ula jeeday in aanay jirin sabab lagu malaysan karro in Ruushku faro gelin karayey doorashada.

Madaxweyne Trump ayaa balanqaaday in uu ilaalin doono doorashooyinka dambe ee dalka ka dhici doona, hase yeeshee waxa uu ku nuuxnuuxsaday in xidhiidh diblomaasiyadeed iyo iskaashi dhex mara dalkiisa iyo Ruushku ka fiican yahay khilaaf iyo colaad ka dhex abuuranta.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.