WorldRemitAds
Maxaa kala qabsaday Donald Trump Iyo Jeb Bush —– Musharaxiinta xisbiga Jamhuuriga Maraykanka dhexdiisa ku loolamaya, ayaa isku muruxsaday doodii ugu danbaysay ee sabtidii todobaadkan loo qabtay, taas oo hordhac u ahayd is reeb reebka labaad ee gobolka New Hampshire ee dalka Maraykanka, oo axadii la bilaabay.

Doodan oo sida ka muuqatay uu Musharax walba ku soo bandhigay aragtidiisa ku saabsan hogaamintiisa dalka Maraykanka, haddii taageerayaasha xisbigu u xushaan musharaxooda doorashada madaxtooyada ee sanadkan ka dhici doonta dalkaas, waxa haddana marka si kale loo eego ay ahady mid weerar iyo weerar celin dhexdooda ka abuurtay.
In kasta oo musharaxiinta xisbiga Jamhuuriga ku dhex tartamayaa, si kal iyo laab ah isu salaameen bilowgii hore ee ay soo galeen hoolka wayn ee doodu ka dhacaysay, jawi farxadeedna ay muujiyeen, may noqon mid sii waarta oo markii hadalku u bilaabmay ayay si kulul isu weerareen.
Marco Rubio oo ah musharaxa ugu taageerada hooseeya oo hadalka bilaabay ayaa isagu weeraray Madaxweyne Obama iyo maamulkiisa oo uu ku tilmaamay mid lumiyay, quwadii Maraykanka ee dunida, waxaanu Marco oo 44-jir ahi Obama ku tilmaamay madaxweyne dawlada Maraykan Heerkii ugu hooseeyay gaadhsiiyay, kana dhigay waddan caadi oo la mid ah dalalka kale ee soo koraya.
Ninkan ayaa sheegay in haddii uu qabsado dalka Maraykanka uu dib u soo celin doono haybadiisi, kana dhigi doono, dal hogaamiya dunida oo isaga loo dabo fadhiisto hab dhaqanka dunidu ku socon doonto, waxaanu ku dooday inuu dejin doono qorshe dunida ku khasba inay Maraykan u hogaansamaan.
Inta badan musharaxiinta xisbiga Jamhuurigu way ka sinaayeen eedaynta Obama iyo maamulkiisa, kamanay muuqan wax kala qaybsanaan ah, waxa kale oo ay ka sinaayeen dooda ku saabsan hoosu dhaca doorkii Maraykanku ku lahaa dunida.
Hasa yeeshee markii la gaadhay arrimaha argagixisada iyo gobolka Bariga dhexe oo isagu laf dhabar u ah, ololaha doorashooyinka dalka Maraykanka ayaa mar qudha doodi musharaxiintu isu badashay weerar iyo weerar celin la isku muruxsaday.
Tusaale ahaan labada musharax ee Donald Trump iyo Jeb Bush oo iyagu hogaanka u qabtay dooda argagixisada iyo arrimaha bariga dhexe.
Musharax Donald Trump oo isagu hore u weeraray Muslimiinta ku dhaqan dalka Maraykan iyo dadka reer Mexico, sheegayna inuu joojin doono, in muslimiin danbe oo cusubi dalkaas soo degto ayaa mar kale Trump, qaaday weerar kale oo afka ah, waxaanu sheegay inuu la wareegi doono ceelasha shidaalka ee dalalka carabta, waxaanu ku dooday in saliidu tahay quwada ugu wayn ee waraabisa argagixisada dunida.
Donald Trump ayaa sheegay in haddii aanu Maraykanku gacanta ku dhigin ceelasha saliida ee Ciraaq, Libya, Suuriya iyo meelo badan oo gobolka bariga dhexe ah, dhibaatada argagixisada iyo daacish aanay istaagi doonin duniduna halis geli doonto.
Isaga oo aan hadalka dhamaysan ayaa waxa ka boobay Musharax Jeb Bush, waxaanu Donald Trump ku tilmaamay qof xanuun nafsaani ahi hayo oo u baahan inuu cusbitaalada tago, waxaanu Jeb Bush sheegay in Trump uu mar walba dood khalkhal ah oo waali ah keeno, ficiladiisa garaad xumada ahina keentay in taageerayaal badan oo xisbiga jamhuurigu ku waayo.
Jeb Bush ayaa sheegay in argagixisadu dhibaato ku wada hayso dunida oo dhan, wax sabab ah oo loo colaadiyo waddamada carabtuna aanay jirin, saaxiibo fiicana Maraykanku ku leeyahay laakiin Musharaxa la tartamaya ee Donald Trump uu dhimirka (Maskaxda) ka buko uu xanuun Naafsaani ahi hayo.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.