WorldRemitAds

Jariirada Washington Post ee dalka Maraykanka ayaa dhawaan soo daabacday xog cusub oo ku saabsan qorshe, Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu ku doonayo inuu ciidamada dalkiisa kaga saaro dalka Suuriya, halkaas oo sida jariiradu sheegtay Maraykanku ku guul daraystay isku dayadii uu ku doonayay inuu talada kaga tuuro madaxweynaha Suuriya Bashar Al Asad.

Jariirada ayaa sheegtay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu bishii hore telefoon u diray boqorka Sucuudi Arabiya Amiir Salman Bin Cabdi Casiis, ka dibna uu kala sheekaystay sidii ciidamada Maraykanka looga saari lahaa dalka Suuriya, taas oo uu Donald Trump ku taliyay in la dedajiyo oo si dhakhso ah ay u dhacdo arintaasi.

SomlegalAds

Jariirada ayaa sidoo kale sheegtay xog ku saabsan wada hadal khadka telefoonka ku dhex maray Madaxweyne Donald Trump iyo dhaxal sugaha dalka Sucuudiga, kaas oo socdaal aan hore loo sii shaacin imika ku jooga dalka Maraykanka.

Donald Trump ayaa dhaxal sugaha dalka Sucuudiga ka dalbaday in boqortooyada Sucuudigu bixiso kharashka ciidamada Maraykanka lagaga saarayo dalka Suuriya, kaas oo ilaa afar bilyan oo dollarka Maraykanka ah ku kacaya.

Jariirada ayaan sheegin in qorshahan Sucuudigu ku bixinayo lacagta ciidamada Maraykanku kaga baxayaan dalka Suuriya, ee uu madaxweyne Donald Trump u gudbiyay boqortooyada Sucuudiga la isku afgartay iyo in kale.

Hasa yeeshee waxay xustay in Maraykanku diyaarinayo qorshe waddamo dhawr ah oo dalalka carabta ka tirsan, uu lacago ciidamadoodu kaga baxaan Suuriya iyo kuwo dib u dhis loogu samaynayo degaanada jabhadaha Maraykanka, Sucuudiga iyo Qatar taageeraan haystaan ee dalka Suuriya.

Qorshahan oo sida wararku sheegeen looga dan leeyahay in lagaga hor tago in maamulka Bashar Al asad iyo xulafada taageerta ee Ruushka iyo Iiran, ay dhulkaas dib u qabsadaan ama ka saaraan jabhada qabsaday, kuwaas oo haddii aan horumarin degdeg ah iyo dib u dhis loo samayn aanay dadka rayidka ahi ku sii noolaan Karin.

Talaabadan ayay jariiradu ku tilmaantay mid Washington ku doonayso inay ugu yaraan isaga maydho fadeexada ka soo gaadhay dagaalka Suuriya, oo sida muuqata lagaga guulaystay waddamada reer galbeedka iyo taageerayaashooda, maamulka Bashar Al Assad iyo xulafada taageerta ee Ruushku ugu horeeyaan aay guushii ugu balaadhnayd ka soo hooyeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.