WorldRemitAds

“Waxaa Illaahay mahadii ah kol haddii Gudoomiyihii wakiilladu Khaladkii Xafiiskiisa Ka Baxay Saxay. waxaanu Ognahay in Gudoomiyuhu qodobadii la isku haystay ee la lahaa khalad baa ku jira inuu saxay”Muuse Biixi“Waxaan leeyahay Eedahaas waxba kama jiraan.. Gudoomiyuhu isagu ma qoro xeerarka ee Goluhu wuxuu leeyahay waaxyo arrimahaas u qaabilsan, xeerarkuna waxay maraan Jaran-jarooyin iyo nidaamkii uu mari jiray”Cirr

Hargeysa, Somaliland, November 4,2014 (Saxafi)-Hogaanka Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa  sheegay inuu gudoomiyaha golaha Wakiiladdu khaladaadkii ku jiray xeerka Diiwaangelinta ka saaray ka dibna u gudbiyey xeerkii saxsanaa guurtida,  inkastoo gudoomiyuhu mar kale ku celiyey in aanay jirin xeer khalad ku jiro iyo mid uu dib u saxay toonna.

SomlegalAds

Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,ayaa sheegay in khilaafka golaha Wakiiladdu yahay mid wax lagu saxayo, isla markaana xildhibanaadda mar walba khilaaf ka iman karo, taas oo ay ugu wacan tahay buu sheegay in kala aragti duwanaanshaha.

Mar uu ka hadlayay khilaafka golaha ka jira waxa uu yidhi “Baarlamaan ba haddaad arago waa meel rayigu is jiidhayo oo mar walba buuq iyo qaylo ka taagan tahay.haddaanu doodayn oo maalin walba danta qaranka laga wada hadlayn Baarlamaankaasi wuu dhintay. Baarlamaanku wuu naga madax banaan yahay,waa gole qaran, Xisbiyada oo dhan baa doortay, halkaas buu iskugu yimid waana la dhaariyay,waxayna u dhaarsan yihiin danta qaranka”

Sidoo kale gudoomiye Muuse Biixi waxa uu ka hadlay dib uu saxid uu gudoomiyaha golaha Wakiiladdu ku sameeyey xeerkii muranku ka dhashay, waxaanu yidhi “Waxaa Illaahay mahadii ah kol haddii maanta uu soo Ururay khilaafkaasi oo Gudoomiyihii wakiilada, ahna Gudoomiyaha Waddani uu khaladkii Xafiiskiisa ka baxay saxay. waxaanu Ognahay in Gudoomiyuhu qodobadii la isku haystay ee la lahaa khalad baa ku jira ee rag baarlamaanka ka mid ahi ka dhega adaygeen waliba ku dareen gardaro iyo aflagaado badan inuu saxay,waanuna soo dhaweynaynaa,waxaanuna u aragnaa talaabo loo qaaday dhanka wanaagsan, waa intaynu umadda dheernahay,waana sida Somaliland ku soo caano maashay”.

Hase-yeeshee Gudoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa sheegay inaanay jirin qodobo Muxaafadku diidanaa oo uu ku daray xeerka diwaangalinta iyo wax uu saxay toona.waxa uu si adag u beeniyay mar uu shalay ka hadlay Xaflad Xisbiga Waddani qabsaday inaanu jirin khalad ku jira Xeerka Guurtidu hakisay, isagoo sheegay in guurtida laga sugayo inay waajibkooda ka gutaan. “Waxaad Maalmahan maqlayseen eedo la ii soo jeedinayo,waxaan leeyahay Eedahaas waxba kama jiraan. Gudoomiyuhu isagu ma qoro xeerarka ee Goluhu wuxu leeyahay waaxyo arrimahaas u qaabilsan, xeerarkuna waxay maraan Jaran-jarooyin iyo nidaam, kan imika muranka la galiyayna Nidaamka saxda ah buu mari doonaa, labada golena wuu marayaa, haddana wuxuu hor yaalaa Golaha guurtida,waxaanuna rajaynaynaa inay waajibkooda ka gudan doonaan” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro oo ka jawaabay hadalkaasi Muuse Biixi

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.