WorldRemitAds
Boorama, Somaliland, December 15, 2015, (Saxafi) – Qaybo ka mid ah dadweynaha iyo siyaasiyiinta Boorama ayaa hadal haya magacaabista wakiil cusub oo Komishanka Doorashooyinka Qaranku u soo magacaabeen Gobolka Awdal, kuwaas oo sheegay inay tuhun ka qabaan sifaha loo soo magacaabay.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, xubintan la sheegay in komishanka doorashooyinku u soo magacaabeen gobolka Awdal, magaciisana la yidhaahdo Maxamed Muuse Jibriil ayaa sida lagu baahiyay qaar ka mid ah shabakadaha reer Awdal ee Internetka, magacaabistiisani lagu tilmaamay mid la hoos mariyey komishanka sare ee doorashooyinka qaranka, isla markaana ka hor imanaysa miisaanka ama nidaamkii dhinaca beelaha gobolku hore ugu qaybsan jireen xilalka heer gobol ee komishankaasi sannadihii aan soo dhaafnay.
Maxamed Muuse JibriilTuhunada ku xeeran magacaabista xubintan ayaa sidoo kale waxa keeni karaya faraqa u dhexeeya sida komishannadii hore ee qaranku mar keliya u soo saari jireen liiska guud ahaanba masuuliyiinta ama xubnaha komishanka ee gobolka laga bilaabo Guddoomiyaha, ku xigeenka iyo xoghayaha, sidaa darteedna magacaabista guddoomiyaha komishanka ee gobolka keligii la soo saaray ay tahay mid ka duwan nidaamkaa hore, tallabadaasina hoos u dhigi karta kalsoonidda dadweynaha gobolka iyo siyaasiyiinta xisbiyadu ku qabi karaan magacaabista xubinta, loona baahan yahay in meesha laga saaro tuhunada ku xeeran magacaabistiisa.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.