WorldRemitAds
Washington, Maraykanka, December 17, 2015 (Saxafi) – Dooddii ugu adkeyd ayaa dhexmartay Sagaalka musharrax ee ku tartamaya sidii ay u noqon lahaayeen musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee waddanka Mareykanka u meteli lahaa doorashada madaxnimo ee dalkaas ka dhici doonta sannadka soo socda ee 2016-ka; taas oo ay sagaalkan musharax kaga doodayeen sida ay amniga qarankaas wax uga qaban karaan.

Dooddan ayaa diiradda lagu saaray dhowaaqii ka soo yeedhay murashax Donald Trump ee auu ku dooday in muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Mareykanka. Waxaana Trump oo difaacaya dhowaaqaas ka soo yeedhay waxa uu yidhi. “Kama hadleyno diin ee arrinta aan ka hadlayo tan amniga Mareykanka. ”
Dooddii ugu adkeydIsagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Shacabku way jecel yihiin hadalka aan odhanayo, dadku way xushmeeyaan waxaan sheegayo, waxaanan furnay dood aad u ballaadhan oo loo baahnaa in la furo. ”
Murashaxiinta intooda badan ayaa diidanaa inay si toos ah uga hortagaan Trump, marka ay timaado arrintani; taasoo walaac xooggan ka dhalisay gudaha wadanka Mareyanka, iyadoo abuurtay nacayb ka dhan ah muslimiinta Mareykanka.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Florida, Jeb Bush ayaa weeraray Donald Trump wuxuuna yidhi. “Marna noqon maysid madaxweynaha Mareykanka – adigoo af-lagaado ku raadinaya madaxweynenimada Mareykanka. ”
Trump oo u jawaabayay ayaa yidhi. “Aan aragno, waxaan haystaa taageero 42% ah, adiguna waxaad haysataa 3%. ” Isagoo tixraacayay ra’yi ururin hore loo sameeyay oo uu isagu u hayo hoggaanka.
Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sheegay in lala yaabanyahay ninkan hadaladda xun xun ee Muslimiinta ka dhanka ahi ka soo yeedhay haddana aanay wali shacbiyadiisu is dhimin, iyadoo siyaasiga hadaladda aan miisaanayni ka soo yeedho ay ku iman jirtay hoos u dhac dadka taageera ahi, haseyeeshee rayi ururinta laga sameeyey musharaxiinta ayaa wali waxa u sita Trum oo ah musharaxii ugu hadaladda xumaa, inkastoo muddooyinka dambe la filan karo isbedel xaga taageerayaashiisa.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.