WorldRemitAds

Stockholm, Sweden, June 3, 2016 (Saxafi) – Baarlamaanka dalka Sweden waxaa in muddo ah ku soo noqnoqonayay doodo ku saabsan arrimo la xidhiidha Somaliland, balse doodaha ayaa sii xoogaystay tan iyo wixii ka dambeeyay 18-kii bishii hore ee May, oo ahayd Munaasibaddii dib ula soo noqoshadii xornimada Jamhuuriyada Somaliland 25-jirsatay.

Wasiiradda arrimaha dibada Sweden Margot Wallström iyo Raysal wasaare ku xigeenka Sweden, ahna wasiirka horumarinta caalamiga ah iyo cimilada Isabella Lövin ayaa iyagu kuwo inta badan la weydiiyay su’aalaha iyo doodaha la xidhiidha Somaliland.

Bilawgii bishii 3aad ee March ayay ahayd markii xildhibaan Hans Linde oo xisbiga bidixda u qaabilsan siyaasadda arrimaha dibada uu wasiiradd Isbella Lövin weydiiyay sida ay Sweden ugu gurmanayso ee gacan uga gaysan lahayd dadka abaaruhu sameeyeen ee reer Somaliland, ka dib markii xubno ka tirsan guddida baarlamaanka Sweden ee arrimaha dibada ay la kulmeen wakiilka Somaliland ee Sweden Rhoda Jaamac Cilmi, Guddoomiyaha guddida ictraaf raadinta Maxamed Yusuf Bidhiidh iyo xubno Guddida Ictiraaf raadinta Somaliland ee Sweden.

SomlegalAds

https://www.riksdagen.se/sv/dokument-lagar/dokument/skriftlig-fraga/torka-och-hunger-i-somaliland_H311913

Raysal wasaare ku xigeenka Sweden, ahna wasiirka arrimaha horumarinta iyo cimilada Sweden ayaa su’aasha si haab haab uga jawaabtay, iyada oo sheegtay in ay arrinka wax ka qabanayaan iyaga oo kaashanaya hay’addo ay ka mid yihiin WFP, UNICEF iyo Wolrd Bank, sidoo kale-na ay Sweden Somaliland/Somalia siiso lacag caawimo oo gaadhaysa 191 million oo crown. Wasiiradda ayaa sidoo kale ku andacootay in safiirka u qaabilsan Somalia iyo Somaliland oo fadhigiisu yahay Nayroobi uu booqashooyin joogto ah ku tago Somaliland. Jawaabta wasiirada oo aan ahayn mid shilis ayaa xildhibaanka su’aasha waydiiyay uu saluug badan ka muujiyay.

Ka dib, intii lagu gudo jiray 18-May ayaa wakiilka Somaliland u qaabilsan Sweden Rhoda Jaamac oo kaashanaysa guddida ictiraaf raadinta ayaa kulamo la yeeshay xubno badan oo ka mid ah baarlamaanka Sweden, xubnahan oo loogu yeedho Friends of Somaliland, ayaa iyaguna su’aalo ku boobay labada wasiir ee arrimaha dibbada iyo horumarinta caalamiga ah ee Sweden.

20-kii bishii May ayaa xildhibaanad Birgitta Olsson oo ahayd wasiirka hore ee dimuqraadiyada iyo Midawga Yurub ee Sweden, hadana xibiga laybaraalka u qaabilsan siyaasada arrimaha dibada ayaa wasiiradda arrimaha dibada Sweden Margot Wallström waydiisay in Sweden ay damacsan tahay in xayiiraada xagga socdaalka ee saaran Somaliland ay ka qaado, maaddaama oo Somaliland ay ka duwan tahay Somalia. Sidoo kale-na ay Somaliland ka hirgashay nabad taabo gal iyo dimuqraadiyad Afrika inteeda kale ay riyo ku raadinayso.

https://www.riksdagen.se/sv/dokument-lagar/dokument/skriftlig-fraga/reserekommendationer-till-somaliland_H3111253

1-dii bisha Juun ayaa Wasiiradda Arimaha Dibadda Sweden Margot Wallström su’aashaa ka jawaabtay, iyadoo aad moodo in aanay si toos ah u abaarin su’aasha. Wasiiradda ayaa sheegtay in wasaarada arrimaha dibadu ay arrinkaas gacanta ku hayso, horena kor loogu qaaday xaalada amni ee magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Geesta kale wasaarada arrimaha dibada ayaa hore ugu xaqiijisay guddida ictiraaf raadinta iyo wakiilka Somaliland ee Sweden in ay arrinka u saareen guddi xaqiiqo raadis ah, kuwaas oo dhawaan booqasho ku tegi doona Somaliland, si gaar ahna u soo indho-indhayn doona xaalada amniga.

Guddida Ictiraaf Raadinta Somaliland iyo Wakiilka Somaliland ee Sweden ayaa ku dooday in xayiraada socdaalka ee Sweden ku calaamadisay Somaliland ay hortaagan tahay maalgashi badan iyo muwaadiniin badan oo danaynaya in ay u safraan Somaliland, si ay u soo indho indheeyaan fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland.

Xildhibaanad Birgitta Ohlsson ayaa su’aal kale oo ku saabsan Somaliland waydiisay raysal wasaare ku xigeenka Sweden Isabella Lövin, iyada oo waydiisay in Sweden si toos ah u tageerto horumarka iyo dimuqraadiyada Somaliland. Isla markaana ay Sweden kaalmadeeda mariso Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund)

https://www.riksdagen.se/sv/dokument-lagar/dokument/skriftlig-fraga/bistand-till-somaliland_H3111255

Raysal wasaare ku xigeenka Sweden Isabella Lövin ayaa su’aasha kaga jawaabtay in Sweden ay qayb weyn ka geysanayo diwaangelinta codbixinta ee ka socota Somaliland, taas oo suuro gelinaysa in doorashooyinka sannadka soo socda ee ka dhacaya Somaliland ay u noqdaan kuwo xor oo xalaal ah. Sidoo kale dhinaca horumarka ayaa Isabella Lövin waxay sheegtay in ay Sweden tageerayso wada shaqayn dhexmarta ururada reer Somaliland ee Sweden iyo ururada ra’yidka ee Somaliland si ay isaga kaashadaan kobaca dimuqraadiyada, xuquuqul aadanaha iyo sinnaanta.

Mar kale ayaa haddana xildhibaan Birgitta Ohlsson ay weydiisay Raysal waasaraha Sweden in ay Sweden cadaadis ku saarayso Somalia in ay ixtiraanto nabadda iyo dimuqraadiyada Somaliland, maaddaama Sweden ay caawimo siiso Somalia. Birgitta Ohlsson ayaa ku doodaysa in Sweden ay shuruud kaga dhigto caawimada ay siiso Somalia, in Somalia aanay marnaba ku fekerin wiiqida nabbada iyo dimuqraadiyada Somaliland.

Jawaabta, su’aasha ayaa ah mid laga sugaayo in raysal wasaare ku xigeenka Sweden, ahna wasiiradda horumarinta iyo cimilada Isabella Lövin ay kaga soo jawaabto, laba wiig gudahood, sida sharcigu dhigaayo.

Si kastaba, ha ahaate doodaha ku saabsan Somaliland ayaa muddooyinka dambe hadheeyay baarlamaanka Sweden, oo ah meesha looga arrimiyo waddankan.

1 COMMENT

  1. haddi aan figradeydda ka dhibtoo ictitraafka jsl, waxay ila tahay lag soo bilaabo 1960kii
    ila 1991kii ay muqdisho iyo wixii ku noola ay masuul ka yihin wixii ka dhcey dalkii la isku odhn jirey somalia oo an filaanyo in aany jiri doonin wax danbe oo la yidha somalia isku dhan. dalku wuxuu socdon doonaya qaybihin ay hore ugu qaybiyeen dawldihi guumeysan jirey. jsl waxay dhisatey dawladd 1991kii markii u jabey keliy talye dalka gadhsiiy. waxaanu calaamka u soo jeedeyna in la oogolada jirtitanka jsl. jsl waxay la circiryesa wakhtgan xadirka musuuq-msuuq u siilaanyo horseed ka yahay. waxaa kale oo aanu calaamka ka codsanyena in sii looga guudbo abaarha soo noqnoqda in dalka loo sameyo biyo xidhno. sii ay xoolhu u nabad galan wakhtiyada ay ku soo beegman abaaruhu.dhulka loo bahan yahay laga sameyo biyo xidhnada waxay badan yihin dooxooyinka maraya dhulka buurleyda. ciidi cayesyna waa in iyadu gacant ugu haysa mucawimadasii sii musuuq-msauuq looga baxsado.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.