WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 06, 2014 (Saxafi) — Waxaa habeen hore la soo afjaray doorashooyinkii qabyada ahaa ee dalka Maraykanka ee loo yaqaano ‘Mid-term Elections’ waxaana uu tartan adag dhexmaray labada xisbi ee dalka Maraykanka ku loolama ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga.

Muhiimadda ugu weyn ee tartankan ayaa ahayd ciddii hoggaamin lahayd awooda labada aqal ee hoose iyo kan sare ee Maraykanka, iyadoo murashaxiinta xisbiyaddu ay si adag ugu loolameen doorashada.

Labada xisbi ayaa ku kala badnaa labada aqal. Xisbiga Dimuquraadiga ayaa ku badnaa haysashada hoggaanka aqalka sare ee Senate-ka, halka xisbiga Jamhuurigu uu ka talin jiray, kuna badnaa aqalka hoose ee Congress-ka.

SomlegalAds

Sida taariikhdu ay na barayso, muwaadiniinta Maraykanka waxaa dhaqan u ah oo lagu yaqaannaa sida badan inay eedeeyaan xisbiga markaas talada dalka haya oo ay u codeeyaan murashaxiinta xisbiga mucaaradka ah ee aan talada hayn. Doorashooyinkan qabyada ah ee loo yaqaano Midterm Election, ayaa xisbiga Dimuqraadiga ah lagaga adkaaday xilligii uu Bil Clinton ka ahaa madaxweyne dalka Mareykanka.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa xalay u hoyday guryahooda iyagoo si aad ah u faraxsan, kaddib markii ay ku guulaysteen lix kursi oo cusub, sidaasna ay ku noqdeen aqlabiyadda labada aqal. Guusha u soo hoyatay xisbiga Jamhuuriga ayaa durba walwal galisay xisbiga iminka talada haya ee Dimuquraadiga, iyadoo ragaadin karta dadaallo badan oo uu waday madexweyne Barack H. Obama, waxayna saamayn ku yeelan kartaa doorashada madaxweynenimo ee Mareykanka oo dhici doonta sannadka 2016-ka, taasoo Dimuquraadigu uu u diyaarinayo inay uga qaybgasho Hillary Clinton.

Haddaan eego gobolka Minnesota oo Soomaalidu u badantahay waxay indhaha ku hayeen kuraasta ugu muhiimsan xagooda ama ku leh saameynta, waxayna u kala ololeynayeen siyaasiin labada xisbi ka kala socday, waxaase xagga Soomaalida ay guushu raacday xisbiga Dimuquraadiga kaddib markii ay soo noqdeen guddoomiyaha Minnesota, Mark Dayton, Sanotarka Al-Franken iyo Keith Ellison oo aqalka odayaasha looga soo doorto gobolkaas, matalana xaafadaha Soomaalidu ugu badan ay ka deggen tahay dalka Mareykanka.

Waxaa gobolka Minnesota ka tartamay afar wiil oo Soomaali ah, waxaana ka guuleystay Said Ali oo noqanaya xubin golaha waxbarashada ee Minneapolis ka tirsan. Said Cali ayaa noqonaya Soomaaligii saddexaad ee xil ka qabta gobolka, iyadoo sannadkii 2010-kii hoggaanka waxbarashada gobolka loo doortay, Xuseen Samatar oo geeriyooday 2012-kii, waxaase dib loogu doortay xilkaas, Maxamud Nuur oo isaguna sanadkan u tartamay baarlamaanka gobolka Minnesota, isagoo ku hadhay doorashadii hordhaca ahayd ee xisbiga DFL-ka.

Cabdimalik Askar oo u tartamay baarlamaanka Minnesota kana socday xisbiga Jamhuuriga ayaa helay codad dhan 23%, iyadoo haweeneydii la tartamaysay ay heshay 77% codadkii la dhiibtay. Sidoo kale Cabdi Kulane iyo Hassan Yusuf oo ka tartamay magaalada St Cloud ee MN ayaa iyaguna dadaalay, balse ma helin wax guul ah.

Xisbiga Dimuquraadiga ah ayaa habeen hore ku qabsaday xafladdiisii guusha Hilton Hotel oo ku yaalla bartamaha magaalada Minneapolis, waxaana ka qayb-galay tiro badan oo Somali ah oo ka tirsan taageerayaasha xisbiga, kuwo ka howlgala xafiisyada xisbiga, waxaana khudbado ka jeediyay madaxdii guulaysatay ee xisbiga Dimuquraadiga, iyagoo sheegay inay fulin doonaan ballan-qaadyadii lagu soo dooratay.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.