WorldRemitAds
Kampala, Uganda, February 21, 2016 (Saxafi)-Guddiga doorashooyinka Qaranka Uganda ayaa galinkii dambe ee shalay ku dhawaaqay natiijadii kama dambeysta ahayd ee Doorashaddii madaxtinimada, waxaana ku guulaystay Madaxweynaha Muddada Dheer Xukumayay Dalkaas ee Yoweri Kaguta Museveni uu ku Guuleystay Doorashada Madaxnimo ee Uganda.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Ungandha, Badru Kiggundu, ayaa sheegay in Museveni uu ku Guuleystay Doorashadii madaxweynenimo ee Waddanka Uganda ka dhacday Khamiistii lasoo dhaafay.
“Madaxweyne Yoweri Museveni, ayaa ku Guuleystay Doorashadii Madaxnimo ee Uganda ka dhacday, Wuxuuna helay codad gaadhaya 61. 88%. Kizze Besigye oo aad ugu soo dhawaa ayaa isagana helay 34. 18%,” ayuu yidhi Badru Kiggundu.
Natiijada kama dambeysta ah ee ay Guddiga Doorashooyinka Uganda ku dhawaaqeen ayaa Waxaa kasoo horjeestay Xisbiga Mucaaradka ah ee FDC oo uu Kizze Besigye hoggaamiyo iyagoo ku sheegay War-saxaafadeed ay soo saareen in aanay Natiijadan soo baxday ahayn mid cadaalad ah.
Besigye, ayaa weli u xidhan Ciidamada Booliiska Uganda, kuwaasoo doraad gellinkii dambe ka qabtay Xarunta xisbigiisu uu ku leeyahay caasimada Uganda ee Kampala, kaddib markii ciidamadu booliisku ay xoog ku galeen.
Doorashadii Khamiistii hore ka dhacday dalka Uganda ayaa ka dhigaysa markii shanaad oo uu Madaxweyne Museveni ku Guuleysto, kaddib 30-sano Dalkaas soo Xukumayay, isagoo sidoo kalena sannadaha soo socda sii xukumi doona Uganda.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni oo 71-jir ah ayaa awoodda xukunka Uganda wuxuu kula wareegay dagaal jabhadeed sannadkii 1986-kii, tan iyo Xilligaas isaga ayaa xukumayay dalkaas.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.