WorldRemitAds

Muqdisho, Soomaaliya, August 8, 2016 (Saxafi)-Guddida doorashooyinka ku meel gaadh ah ee Soomaaliya ayaa cayimay wakhtiga doorashad la moodka Soomaaliya la qabanayo ee la dooranayo xildhibaanadda, shirgudoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddida doorashadda dadbadan ee Soomaaliya Cumar Maxamuud Dhegay ayaa shaaciyey jadwalka qaabka ay dhacayso lagu wado inay sannadkan ka dhacdo Soomaaliya.

Avv. Cumar Dhageey, ayaa sheegay in doorashada xubnaha aqalka sare ay dhici doonto 25-ka bisha September ee sannadkan, sidoo kale Doorashada Aqalka Hoose ay dhici doonto 24-ka September illaa 10-ka Oktoobar.

SomlegalAds

Sidoo kale, Doorashada Guddoonka Baarlamaanka cusub ayuu Shaaciyay in ay dhacayso 25-ka Bisha Oktoobar, waxuuna carrabka ku dhuftay in Doorashada madaxweynaha ay dhici doonto 30-ka bisha Oktoobar ee Sannadkaan.

Madasha Wada-tashiga Doorashada dalka ayaa weli Muqdisho ka socota, waxaana la dhawrayaa go’aannada laga soo saaro, balse si dhab ah looma oga xilliga War-murtiyeedka shirkan uu soo bixi doono.

Sidoo kale, warar kale ayaa sheegay in mudadda dhawrka bilood ee dib u dhaca doorashadda Soomaaliya ee August ayaa la sheegay in madasha wadatashiga Soomaaliya oo ay ku bahoobeen maamulada Soomaaliya, baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in muddo saddex bilood ah loo kordhinayo oo uu xilka sii hayn doono madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Madasha wadatashiga Soomaaliya oo maalmihii u dambeeyey shir ku jiray ayaa la sheegay inay isku mari kari waayeen wixii lagu heshiinayo iyo dib u dhac ku timaadda doorashadda madaxweynaha ee Soomaaliya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.