WorldRemitAds

Doorasho Dhici Mayso Hadaan Madaxweyne Muuse Biixi Kala Dirrin Labada Gole

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh

SomlegalAds

Somaliland shacab iyo dawladba waxay maanta ku jiraan dagaal dhinacyo badan kaga imanaya, kuwaas oo ama dagaaladaas oo qaar ka mid ah loo soo adeegsanayo reer Somaliland laftooda gudaha ha joogaan ama debedda ha joogaane. Waxaanad mooddaa in dedelka Soomaaliya ugu jirto burburinta dawladda Somaliland ay maanta meel fiican u marayso, waxayna baabi’inta iyo cunaqabataynta Somaliland reer Soomaaliya ku illoobeen horumarinta dalkooda iyo sugidda amnigoodaba.

Somaliland oo hoos uga dhacday siyaasadda arrimaha debedda, ayaa waxa haatan qiilqiil ku jirta dimuqraadiyaddii iyo doorashooyinkii dalkani ku soo dhaqnaa tobanaankii sanadood ee inna soo dhaafay, waxana maanta la la’yahay wadadii ama jidkii loo mari lahaa doorashooyinkii Madaxweyne Siillaanyo ku ballamiyey in Madaxweyne Muuse Biixi qabto ee Golayaasha qaranka, waa Golaha Wakiiladda Somaliland iyo Golaha Guurtida Somaliland, kuwaas oo loo ballansanaa inay dhacaan dhammaadka sannadkan ama bilowga sannadka soo socda.

Marka dib loo raaco taariikhda golayaashan iyo xubnaha ku jira waxay cid kastaa ogtahay inaanay ahayn xubnihii golayaashaasi ka mid ahaa tan iyo 1993. Waxa badi xubnaha Golaha guurtida fadhiyaa ay yihiin xubno ku jooga dhaxal, halka xubnaha Golaha wakiiladuna yihiin kuwa badi beddelay qaar tahriibay kuwa geeriyooday, qaar beelaysi ku yimi,  kuwa ka hadhay wasiirro xilal hayn jiray,  iyo kuwa xisbiyada siyaasaddu dhigteen golahaasi.

13 sanadood oo xubnaha golaha wakiillada wakhtigani haysteen aqalkaasi, shacbiga iyo dalalka taageera Somaliland oo la yaabban waxa nimankan meesha dhigay ee loo soo dooran laayahay xubno kale ayaa maanta dawladda Muuse Biixi soo hadal qaadday sidii xubno cusub loo fadhiisin lahaa labadaa gole,  waxana durba muuqda caqabadaha la hordhigay doorasho loo qaban qaabiyo beddelka xubnahaasi. Qaar ka mid ah golayaasha Guurtida iyo Wakiiladda ayaa durba ajendayaal siyaasadeed iyo fadhiyadoodii caadiga ahaa kaga hadlaya arrimo ay waayo hore ansixin lahaayeen, loogana baahnaa inay ansixiyaan xeerkii doorashada ee iyaga meesha ka qaadi lahaa. Cid kasta way ogtahay Somaliland halka maanta ay marayso iyo dagaalada ku socda, waxan durba dadaaladaasi ku soo biiray xubnaha Golayaashaasi oo caqabado hor leh durba maleegaya si looga baaqsado in doorasho dhacdo.

Marka laga yimaaddo indhaha Somaliland ee ku jeeda waanwaanta Ceel afweyn,  iyo dagaalka Tukaraq, ayaa waxa muuqda ifafaale muujinaya in dagaal kale ka soo socdo Golayaashaasi, waxana madaxweyne Muuse la gudboon inuu ku dhiirado sidii golayaashaasi loo kala diri lahaa,  loona qaban lahaa doorashada golayaal cusub. Madaxweyne Muuse Biixi oo aanay weli labadaa gole iska hor imanin, xidhiidhkoodana aan la ogeyn heerka u taaganyahay ayaa dhinaca kale looga fadhiyaa inuu runta u sheego golayaasha isla markaana weydiiyo inay doorasho diyaar u yihiin iyo in kale, haddii ay taas ka diidaan ama ka warwareegaan ansixinta xeerka doorashada u qaato go’aan adag oo golayaashaasi meesha ku banneeyaan, wakhtiga ku habboon ee arrintaasi la soo qaadi karaana noqoto wixii ka dambeeya waanwaanta Ceel-Afweyn.