WorldRemitAds

Saleebaan Gaal Xeerkii liqi waa oo ma liqi karo oo hadii uu liqo wuu ku dhimanayaa. Tufi waa hadii uu tufo wuu ku indho beelayaa. Ha qaniin sanado uun sidii maskii qoratada qabsaday. Odaygu haduu muddo kordhin qiil u doonayay oo heshiis hoose jiray wuu la seegay waayo xeekan intii la meermeerin karayaay waa la meer meeriyay,intii la xanibi karayaynawaa la xanibay, intii la candadawli karayayna way soo dhamaadeen.Caqli xumada doorasho diidka golayaashu isku wada daroo waxay sheeganayaan muxaafid taageersan oo ku shaqaynaya siyaasadda Madaxwayne Slanyo. Waxa nasiib darro ah isaguna sidaas ayuu qabaa oo ka rumaystay lakiin inta ay yeeleen doorasho diidku waxa marag cad u ahaan doorasho doonka oogsaday ee runta ogaaday ee raabo raabaha uga sii gurmaya xisbigiisa ee warbaahintii oo dhan warkoodu qabsaday shaashadiihii Tv-yadana iyaga loo daayay marka laga reebo ka xaga madaxtooyada laga maamulo. Marka doorasho diidku caqabad u dhigo doorashadaba xukuumadda Madaxwayne Silanyona ceeb iyo sharaf dhacna way ka qaadaa intii doorasho doonka ahayd ee taageer sanaydna kalsoonidoodii ayay kala noqdaan cidda faraqa u dhigataana waa xisbiyada mucaaridka ah. Hogaanka sare ee KULMIYE way og yihiin siday wax u socdaan balse wax ay ka qaban karaan ma jirto eh xisbi jabkooda ayuun bay hadba dibin qaniinaan. Khilaafka KULMIYEHA xukuumada iyo ka Xisbiguna aad buu u wayn yahay xaalkuna waa WADHAF IYO SHIMBIRI WAR ISUMA HAYAAN, hadii aan xaalka KULMIYEHA Xisbiguba ahayn ISMOOG UDUBIHII BAY ASLAYSAA ISAMANA OGA. Sidaa daraadeed ayuu khilaafka Xisbiga KULMIYE yahay ha la kala warwareego mar hadaan la isaga iman karin oo aan si toos ah looga wada hadli karin arinka ugu muhiimsan ee la isku hayo oo ah Yaa Musharaxa Madaxwaynaha ah? Madaxwaynaha ayaa ah iyo maaha labaduba iyaga ayuun baa laga hayaa, waana sababta Kalfadhigii Golaha Dhexe ee xisbigu u qabsoomi la’ yahay tan iyo intii uu xidhmay Shirwaynihiisu isaga oon xataa ansixinin xubnaha Golihiisa Dhexe sida uu xeerka guud ee xisbigaasi dhigayo. Hogaanka ugu sareeya Xisbigu wuu ogyahay baylahda iyo qabyada u taala lakiin hadana wuxu ogyahay oo kale in aanu si madax banaan u gudan karin waaibaadkiisa hadii uu far dhaqaajiyona taban farood oo kale la dhaqaajinayo.

Dhinaca KULMIYE waxa iyaduna dhibaato kale ah baaxaddda khilaafkiisa gudaha iyo wakhtiga ka hadhsan doorashooyinka oo aad ugu cidhiidhi ah in lagu xalili karo. Waxa ka sii daran xalka dhibaatadan oon ilaa iyo hadda wax la is kala oglayahay jirin. Madaxwayne Silanyo oo isagu xukuumad ahaan iyo xisbi ahaanaba isagu ah hogaamiyaha talooyinka hortiisa yaal ee uu kala dooran karaa ma badna ey way xadidan yihiin waxay ku xidhantahayna laba daran hadba ta uu doorto ee doorasho doon iyo doorasho diid uu mid uun isugu luga duwado isagoo eegaya xaaladda xisbigiisa iyo tan qaranka hogaamintiisa isaga loo igmaday. Sidaa daraadeed go’aanka mar kastaba adag ee Madaxwayne Siilanyo ayaa saamaynta ugu wayn ku yeelan kara xaaladda dalka samaan iyo xumaanba, kubaduna isaga ayay la taalaa ee cid kale lama taalo

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.