WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 6, 2015 (Saxafi) – Dooxa AW-Barkhadle ee u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa qaaday gaadhi noociisu yahay dhayne, halka shan gaadhi oo kalena laga soo badbaadiyay sida uu noo xaqiijiyay guddoomiyaha Aw-barkhadle Mahad Maxamuud Gahayr.

Gaadhigan oo ay lahayd shirka Jaadka ee 571 ayuu dooxu qaaday xili uu isku deyay in uu ka gudbo dooxa oo aad u rogmanayay. Maamulka iyo shicbka reer AW-Barkhadle ayaa dirqi ku soo badbaadiyay darawalkii gaadhiga waday iyo nin kale oo la saarnaa gaadhiga iyaga oo kaashanaya ciidanka booliska iyo Cagaf-cagaf ay dowladda hoose ee Hargeysa u dirtay. ‘’Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Maayarka iyo xoghayaha dowladda hoose ee Hargeysa oo aad noola shaqeeyay gacan weyna ka geystay sidii aanu u soo badbaadin lahayn baabuurtan dooxu qaaday iyagoo noo soo diray Cagaf wax weyn noo tartay’’ ayuu yidhi guddoomiyaha Aw-barkhadle Mahad Maxamuud Gahayr

Boqolaal gaadhi oo u kala gooshi lahaa Hargeysa iyo Berbera ayaa ku xayirmay laba daamood ee dooxa. Ugu dambeyntii waxa uu guddoomiyhu u soo jeediyay darawaliinta Baabuurta inay taxadir badan iyo masuuliyad dheerad ah muujiyaan oo aanay isku dayin inay ka talaabaan dooxa oo socda isla markaana ay maamulka iyo ciidamada amaanka kala tashadaan in ay ka talaabi karaan si aanay halis u galin iyaga iyo rakaabka saaraniba,

SomlegalAds

Halkan hoose ka daawo:

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.