WorldRemitAds

Marka aad eegto marxaladda siyaasadeed  ee dalku marayo ayaa cid kastoo wakhtigan sheedda ka daawanaysaa u qaadan kartaa in maanta Somaliland lagu kala tegeyo. Dawladnimadii iyo qarannimadii 23 sanadood aan haysannay.

Dhinaca kalena, dadka ay reer Xamarku u yaqaannaan reer waqooyiga gooni u goosadka ahi waxaa ka socda reer Soomaaliya ay ku farxi doonaan. Sidoo kale, mar aad eegto muranada siyaasadeed iyo hanjabaadaha la isku weydaarsanayo maxfaladda siyaasadda iyo warbaahinta gudaha iyo debedda ayaad dhinaca kale mooddaa in shacbigu ka shaki sanyahay masiirkii umaddan iyo gooni isu taageediiba marka lagu daro fawdo iyo ammaan darro.

Haddaba, marka la eego  arrimaha muwaadiniinta iyo cadowga gaadhsiiyay in dawladnimadii Somaliland  shaki ku jirto ayaa uun loo nisbayn karaa arrimo door ah . Waa tan koowaade afar sanadood iyo in ka badan oo xukuumadda Kulmiye dalka xukumaysay ayaa waxa la kawsaday mucaarad wejiyo kala duwan leh, kuwa beeleed, kuwa siyaasadeed iyo kuwa kaleba.  ka bilow maalintii u madaxweyne Siilaanyo dhisay dawladdisii ugu horreysay ilaa maanta, waxay siyaasiyiinta mucaaradka iyo warbaahinta qaarkeedba kolba weji  dadweynaha ka tusayeen dhaliilaha jira oo keliya balse aan lagu darin waxqabadkeeda.

SomlegalAds

Mucaaradnimada la kawsatay xukuumadda Kulmiye oo lagu xidhiidhin karo hadafkii siyaasiyiinta xisbiyadda  mucaaradka ah iyo taageerayaashuba ka filayeen xukuumadda oo socon waayey, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen aargoosi siyaasadeed oo lagu sameeyo beelihii iyo siyaasiyiintii taageerada siin jiray xukuumaddii Udub , sedbursiimo ay filayeen gobollo iyo beelo oo meesha ka baxday, xilal sarsare oo ay filayeen qaar ka mid ah masuulyiintii xisbul xaakimka waqtigii uu mucaaradka ahaa oo meesha ka baxay iyo dagaal ka dhex bilwday Kulmiye wakhtigii shirweynaha lagu qabtay Harageysa. Xawliga dacaayadaha lala beegsaday xukuumadda  Kulmiye  ilaa maalintii la aasaasay oo aan kala joogsan ilaa maanta ayaan dhinaca kale xubnaha iyo masuulyiinta dawladda ka tirsani iska waabin kari waayeen hadiiba aanay qaarkood hoosta kala safnayn mucaaradka, iyadoo aakhirataankiiba dawladnimadii Somaliland lagu soo koobay beelaha uu ka soo jeedo madaxweyne Siilaanyo,  wax kasta oo dalka ka dhaca oo shar ahna dusha laga saaro.

Dagaalka siyaasadeed ee lagala soo horjeedo xukuumadda, loona ekeysiiyay in dalka cadow xukumo ayaa xukuumadda dareensiiyay in waxa u hadhay oo keli ahi yahay hub iyo rasaas lagala hor yimaaddo, laguna beegsado aqalka madaxtooyada.

Waxay meel iska dhigtay mashaariicdii horumarinta sida jidadka iyo dhismayaashii ka socday dalka si ay u demiso durbaanka xisbiyada mucaaradku u tumayaan taageerayaasha ku soo biiraya, iyadoo dhinaca kalena xukuumaddu dareen ka muujisay sida ay iskugu xidhanyihiin siyaasiyiinta iyo qaybo ka mid ah warbaahinta oo ay aaminsan tahay inay yihiin codbaahiyaha mucaaradka. Waxay badisay xadhigga siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka iyo warbaahintaba, isla markaana kula jirto inay albaabada u laabto warbaahin kale, kuna soo rogi doonto cashuuro dabar jab ah iyo naasnuujin ay kala noqoto, iyadoo dhinaca kalena xukuumaddu doonaysa inay itaalkeeda tusto cid kastoo isku dayda inay kursiga kaga qaaddo kaambayn ka duwan doorasho dhacda.

Ugu dambayntiina iyadoo aan la soo koobi karayn qorshaha labada dhinac ee ku loolamaya siyaasadda  dalku midba midka kale ugu talo galay inuu xukunka dalka kala wareego ayaa uun u muuqda inay kala yihiin xukuumadda oo cadho iyo ciil la seexan la’ iyo mucaaradka oo maalin kasta lagu soo dhaweynayo ciyaar iyo sacab, xaalkuna yahay ”Doqon maalantay iyo geesi malafsi bartay way isla miyir diidmaan” .

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.