WorldRemitAds

Dubai, UAE, March 06, 2018 (Saxafi) – Guddoomiyaha iyo Madaxa Maamulka Shirkadda Maamulka Dekedaha Imaaraada Dubai, Suldaan Axmed Bin Suleiym, ayaa si adag uga jawaabay go’aan toddobaadkan ka soo yeedhay Dawladda Federaalka Somalia oo ay ku daadafaynaysay heshiiskii isla toddobaadkan dhexmaray Shirkadda DP World iyo Dawladaha Somaliland iyo Ethiopia ee Maamulka dekedda Berbera, waxaanu go’aankaas ku tilmaamay mid aan waxba ka bedelayn heshiiska saddex geesoodka ah ee dekedda Berbera.

Sidaas waxa uu Guddoomiyaha DP World ku sheegay wareysi khaas ah oo siiyay Telefiishanka Dubai, isagoo dhinaca kalena hoosta ka xariiqay inay Somaliland tahay dawlad madaxbanaan oo dimuqraadi ah, isla markaana hadalkii ugu dambeeyay ee ka soo yeedhay Raysal-Wasaaraha Somalia Xasan Kheyre aanu ahayn mid wax ka bedelaya xaqiiqada jirt, balse waxa uu xusay in hadaladaasi yihiin kuwo layska yidhi uun.

SomlegalAds

“Dabcan, go’aanka ka soo baxay xukuumadda Federaalka Somalia maaha mid na khuseeya, Xukuumadda Somaliland waa dawlad madaxbanaanayd muddo 28 sannadood ah, maamulkeeda leh, kana jirto dimuqraadiyadi, heshiiska mashruuccana waxa uu ansixiyay Baarlamaanka Somaliland” ayuu yidhi Sudaan Axmed Bin Suleym, Guddoomiyaha DP World, waxaanu intaas raaciyay “Sidaas darteed go’aanka xukuumadda federaalka ahi (Somalia) maaha mid wax ka bedelaya waaqaca jira, balse waa keliya hadalo layska odhanayo oo aanaan joojin karin, laakiin xaqiiqada meesha taal waxay tahay inuu socdo mashruucaasi, isla markaana ay naga go’an tahay hirgelintiisa (DP World ahaan) iyo dawladaha shuraakada aanu ku nahay ee Somaliland iyo Ethiopia.”

 Hadalka Madaxa ugu sareeya DP World ka soo yeedhay, ayaa noqonaya mid muujinaya inay Dawladda IIsu-tagga Imaaraadka Carabta si toos ah uga badheedh-san tahay, isla markaana qirsan tahay in Somaliland tahay dal madaxbanaan oo aan ogolaansho uga baahnayn cid kale, taas oo sidoo kalena la odhan karo Dawladda Ethiopia ee iyaduna qaybta ka ah mashruucan maalgelinta dekedda Berbera laftoodu ay sidan oo kale badheedh uga tahay.

Tan oo keliya, maaha ee warbaahinta dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan mareegaha hay’adaha Dawladda Imaaraada Dubai iyo wargeysyada dawliga ayaa toddobaadkii u dambeeyay si ka duwan sidii hore u baahinayay wararka la xidhiidha heshiiska, iyagoo isticmaalayay “Jamhuuriyadda Somaliland” war kasta oo ku saabsan dhinacyada heshiiska saxeexay, taas oo noqonaysa hab maamuus ka duwan sidii beesha caalamka ama dawladaha dunidu u xusi jireen marka ay ka hadlayaan dalka Somaliland.

Dhinaca guud ahaan warbaahinta dalka Qatar iyo kuwa taageera mawqifkooda oo uu ugu horeeyo Telefiishanka Al-Jazeera, ayaa weerar aan gabasho lahayn labadii toddobaad ee u dambeeyay ku hayay heshiisyada Imaaraadka Carabtu kula jirto Somaliland, ee Maalgelinta Dekedda Berbera iyo Saldhigga Milateri ay Somaliland u ogolaatay Imaaraadka Carabta, iyagoo si xadka ka baxsan u buunbuuninaya go’aanka jilicdasan ee Dawladda Federaalka Somalia ka soo saartay heshiiska saddex geesoodka ah ee DP World, Somaliland iyo Ethiopia, iyagoo xataa gaadhay inay wararkooda u dhigaan in DP World laga soo eryay dekedda Berbera si la mid ah sidii Djibouti ay dalkeeda uga saartay DP World, taas oo ah war been ah oo xaqiiqda ka fog.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.