WorldRemitAds

Nairobi, Kenya, October 30, 2015 (Saxafi) – Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Ganacsiga iyo Arimaha Dibadda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa lagu wadaa inuu maanta dalka ku soo guryo noqdo, isagoo ku sugan magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kiiniya halkaas oo uu ujoogo hawlo khuseeya shaqadiisa xiligan.

downloadDr. Maxamed Cabdilaahi Cumar wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda iyo Ganacsiga oo xubin ka ahaa xubnaha gudida fulinta xisbiga Kulmiye, xubina ka ah golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo uu awal hore ka mid ahaa siyaasiyiinta la safan gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, xiligii shirweynihii sadexaad hase yeeshee madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka uga qaadey go’aanka uu ku adkeystey ee taageerada gudoomiyaha xisbiga xili khilaaf weyni u dhexeeyay Madaxweyne Axned Siilaanyo iyo gudomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi. Ayaa waxaa Socdaalkiisu kusoo beegmay wakhti xiisad xasaasi ahi guud ahaanba ka dhex taagantahay xisbiga, gaar ahaana shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, waxaana xiligan laga dareemayaa caasimada Hargeysa dhaqdhaqaaq soo dhaweyn shilis ah oo lagu soo dhaweynayo la taliyaha arrimaha siyaasada Geeska Afrika Dr. Maxamed Cabdilahi Cumar.

Ilaa iyo hada lama oga imaatinka Dr. Maxamed Cabdilahi Cumar uu dabada ku hayo loolanka Kulmiye iyo in uu si madaxbanaan dalka ugu soo laabanayo, waxaanu Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar Wasiirkii hore ee Arimaha Dibdda iyo Ganacsiga uu ka mid ahaa siyaasiyiintii doorka weyn ka qaatey halgankii kursiga lagu saarey Madaxweyne  Axmed Siilaanyo isagoo ahaa xoghayihii arimaha dibadda ee xisbiga Kulmiye muddo badana kala soo shaqeeyay wasaarada arimaha Dibadda oo uu Wasiirkii dhawaan is casiley Maxamed Biixi Yoonis ku wareejiyey.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.