WorldRemitAds
Imaaraada Dubai oo ka mid ah dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa noqotay suuqa ugu wayn ee lagu kala iibsado, noocyada kala duwan ee macdanaha dunida, gaar ahaan dheemanta oo sanadihii u danbeeyay magaaladaasi u noqotay suuq si wayn loogu kala iibsado.

Suuqa dheemanta lagu kala iibsado ee magaalada Dubai ayaa dhawaan lagu kala iibsaday dheemantii ugu qaalisanayd dunida, taas oo la kala siistay todoba boqol oo milyan, ganacsade u dhashay Jasiirada Hong Kong ee waddanka Shiinuhuna uu iibsaday.
Dubai MarketSuuqa Dahabka iyo Dheemanka ee Dubai waxa uu sanadkan mar kaliya u booday kaalinta koowaad ka dib markii dheemanta lagu kala iibsaday lixdii bilood ee sanadku ugu horaysay qiimaheedu gaadhay sadex boqol iyo afar iyo sideetan milyan oo dollar.
Suuqa ganacsiga dahabka iyo macdanaha kala duwan ee dalka Imaaraatka carabta ayaa bayaan xarunta, guud ee maamushaa ka soo saartay ay ku tilmaantay horumarka iyo guushan uu suuqa Dubai ku talaabsaday mid ka dhashay dedaal iyo fududayn badan oo maamulka dalkaas ka galay sidii uu ugu sahli lahaa, maal gashadayaasha iyo dadka danaynaya ganacsiga magaaladaas oo xarun ganacsi oo caalami ah in ay noqoto muddo dheer ku taamaysay.
Kala iibsiga dahabka ee dalka Imaaraatka carabta gaar ahaam Imaarada Dubai ayaa sanadkan oo kaliya kordhay boqolkiiba 35%, taas oo noqonaysa rikoodh jabis marka loo eego kor u kaca suuqyada caalamka, magaalada Dubai ayaa si ay u noqoto xarun gacansi oo caalami ah talaabooyin badan qaaday, dedaal dheeraad ahna ka samaysay suuqyada ganacsiga iyo isu socodka dalxiiska iyo guud ahaan arrimaha horumarka degaankaas la xidhiidha.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.