WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, May 14, 2018 (Saxafi) – Dugsiga Hoose/Dhexe ee Daallo First School, ayaa arday, macalimiin iyo maamulba waxay xaflad ballaadhan ku sagootiyeen ardayda sannadkan dhammaysanaysa fasalada siddeedaad ee dugsigaas, kuwaas oo bishan June ee soo socota qayb ka noqon doona arday u fadhiisanaysa imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada siddeedaad ee dalka Somaliland oo dhan.

Munaasibaddan ama xafladdan ayaa sidoo kale abaalmarino lagu gudoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore ka gashay fasalada koowaad ilaa siddeedaad ee imtixaanka bilaha ah ee macalimiinta dugsigaasi ka qaado bil kasta dhammaadkeeda ardayda dugsigaas. Sidoo kale waxaa iyagana la abaalmariyey ardaydii ugu akhlaaqda fiicnayd ee sannadkan.

SomlegalAds

Macalin Cabdirisaaq Xaashi Xuseen  oo ka mid ah aasaasayaasha dugsigan Daallo First School, isla markaana xidhiidhinayey xafladda sagootiska ardayda fasalka siddeedaad iyo abaalmarinta isugu jirtay, ayaa tilmaamay in rajadoodu aad u sareyso in ardayda sannadkan u fadhiisanaysa imtixaanta shahaadiga ah ee fasalada sideedaan ay ardayda dugsigoodu noqon doonaan kuwo kaalmaha hore ku guulaysta, isagoo aad ugu dardaaray inaanay is-dhigan ee ay dedaalkooda sii laban-laabaan.

Marwo Saynab Xasan oo u hadashay Waalidiinta Ardayda Dugsiga Daallo First School

Marwo Saynab Xasan oo ku hadlaysay afka waalidiinta ardayda dugsigaas ayaa iyaduna u mahadnaqday macalimiinta iyo maamulka dugsiga Daallo First School, iyadoo dhinaca kalena ardayda ku waanisay in dedaalkaas ay waalid iyo macalimiinba u sameeyeen in aqoonta lagu baray inay ka faa’iideeyaan, isla markaana ay xisaabtamaan oo wakhtiga u hadhay ka faa’iidaystaan oo ay dedaalkooda sii kordhiyaan. “Qoomamadu waxba ma tarto ee 24-ka saacadood qaybsada oo dedaalkiina sii wada, ducada waalidka iyo macalimiintuna way idinla socotaaye,” ayay tidhi Hooyo Saynab Xasan.

Waxa kale oo iyaguna halkaas dardaaran, dhashiidooyin dhiiri-gelin ah iyo ducaba halkaas ka soo jeediyay qaar ardayda dugsigaas ka mid ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Cabdishakuur Axmed Maxamed oo ardayda u soo jeediyay dardaar xoog-badan oo la odhan karo qof da’diisa ahi aalaaba maskaxdiisa kuma soo dhici karto “Waddan kastaaba inta aqoonyahan ee uu leeyahay ayuu ku tiirsan yahay” ayaa ka mid ahayd dardaaran Cabdishakuur. “Cilmigu kuma yimaado sahal, waa inaad u dedaashaa,” ayaa ka mid ahaa dardaarka wiilka yar ee Cabdishakuur. Waxaa iyaduna halkaas nashiido ka soo jeedisay Amiira Mawliid Khadar.

Ka hor intaan abaalmarinta loo qaybin ardayda ku guulaysatay, waxaa halkaas warbixinta Dugsiga Daallo First School, ka soo jeediyay Maamulaha Dugsigaas Naasir Xasan Aadan, kaas oo ka waramay in dugsigani yahay mid sumcad wanaagsan ay ka dhaxleen ardaydii hore wax ugu soo baratay, isla markaana dugsiga lagu dhigo Manhajka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo luqadda Afka Ingiriisiga ah.

“Maanta farxad weyn bay ii tahay xafladdan aynu isugu nimid oo ah mid laba qaybood isugu jirta. Waa tan koowaadee, inaynu sii sagootino ardayda sannadkan dhamaysanaysa fasalka siddeedaad, inay sii macasalaamayo oo aynu u sii ducaynana way inaga mudan yihiin. Tan labaad waxay tahay in imtixaan bileedka ardaydii kaalmaha hore gashay aynu abaalmarino,” ayuu yidhi Maamule Naasir Xasan Aadan.

Waxa kale oo uu maamuluhu ka hadlay taariikhda dugsiga Daallo First School, waxaanu yidhi: “Waxa la aasaasay dugsiga Daallo First School 10-kii bishii August 2008. Sababaha nagu kelifay inaanu dugsigan furnaa waxay ahayd inaanu da’yarteena ama da’yarta xaafaddan uga faa’iidayno dugsi ay wax ku bartaan. Macalimiinta iyo Maamulka dugsigani waxay had iyo jeer ku dedaalaan sidii ay u soo saari lahaayeen Arday akhlaaq, edeb iyo aqoon leh.”

Maamulaha dugsiga Daallo First School waxa uu sheegay in dufcadda sannadkan dhamaysanaysa ama ka baxaysa fasalka siddeedaad ay yihiin dufcaddii sagaalaad (9), isagoo xusay inuu aad ugu rajo-weynyahay inay sannadkan ardaydaasi noqon doonaan kuwo kaalmaha ugu sareeya dalka ka geli doona imtixaanka shahaadiga ah.

Ugu dambayntii Maamule Naasir Xasan Aadan wuxuu ku dardaaray ardayda dhamaysanaysa fasalka siddeedaad ee dugsiga Daallo inay dedaal dheeraad ah iyo juhdi badan sii sameeyaan inta ka hadhay imtixaanka shahaadiga wakhtiga loo fadhiisan doono.

Intaas kadib waxaa abaalmarin la guddoonsiiyay ardaydii saddexda kaalmood ee ugu sareeya ka galay fasalada koowaad ilaa siddeedaad imtixaanka bilaha ah ee dugsigaas, waxaanay natiijada fasalada 8aad ilaa 5aad ardayda kaalmaha hore u kala heleen sidan:

Fasalka 8aad

  1. Axmed Cabdiwaliid Balayax (303.8)
  2. Nimcaan Maxamed Cali (299.8)
  3. Hoodo Axmed Xasan (296.6)

Fasalka 7aad

  1. Istaahil Axmed Maxamed (350) wadarta guud ee laga doonayay waxay ahayd (360)
  2. Suha Naasir Xaamud
  3. Najma Cabdillaahi Cabdi
  4. Hoodo Cawil Maxamed

Fasalka 6aad

  1. Tasiin Xasan Ciise
  2. Axlaam Axmed Ibraahim
  3. Xamda Khadar Cismaan

Fasalka 5aad

  1. Cawaale Mustafe Ibraahim
  2. Hoodo Maxamuud Cabdillaahi
  3. HIbo Cabdiqaadir Cismaan.

Sidoo kale, waxaa madashaas laga yeedhiyay arday dhawr ah oo uu ka mid ah Maxamuud Cabdifataax Maxamuud oo iyaguna dedaal farabadan sameeyay kana tirsan fasalka siddeedaad balse aan nasiibku siinin inay kaalmaha hore soo galaan, kuwaas oo lagu dhiiri-geliyay inay imtixaanka shahaadiga ah haddii ay dedaalkooda sii kordhiyaan kaalmaha hore guulaysan doonaan.

Waxa kale oo iyagana abaalmarin la siiyay siddeed arday oo ku mutaystay  akhlaaq wanaag, kuwaas oo kala ahaa:

  1. Mumtaas Xasan Cali (Fasalka 8aad)
  2. Asma Cumar Cismaan (Fasaka 7aad)
  3. Caasha Cismaan Axmed (Fasalka 6aad)
  4. Isra Maxamed Cabdillaahi (Fasalka 5aad)
  5. Amiin Cabdillaahi Maxamed (Fasaka 4aad)
  6. Hudda Cabdiqaadir Cismaan (Fasalka 3aad)
  7. Cabdillaahi Nuux Maxamed (Fasalka 2aad)
  8. Marwa Barkhad Xasan (Fasalka 1aad).

Gebagebadii xafladaas waxay ardayda fasalka 7aad ee dugsigaasi buqshado hadyado ah guddoonsiiyeen dhammaan wiil iyo gabadhba mid walba ardayda fasalka siddeedaad ee iyagu sannadkan dugsigaas hoose/dhexe dhamaysanaya, halka sidaas si la mid ah ay ardayda fasalka siddeedaad iyaguna buqshado hadyado ah guddoonsiiyeen ardayda fasalka 7aad ee u soo gudbaya fasalka ay ka dalacayaan. 

Muuqaalkan ay ardayda labada fasal buqshadaha hadyadaha ah isku weydaarsadeen ayaa ahaa mid dareenka ardayda dugsigaas si weyn u soo jiitay, waxaana ardayda labada dhinacba wejiyadooda ka muuqatay farxad.

Dugsiga Daallo First School, ayaa ah dugsiga hoose/dhexe oo ka mid ah dugsiga magaalada Hargeysa, gaar ahaan xaafadda 26 June, gaar ahaan jidka Togdheer ama ka soo horjeedka hoygii Cabdi Faarax Joome.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.