WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia, August 4, 2018 (Saxafi) – Xeer-ilaalinta Guud ee dalka Itoobiya, ayaa caddeysay in maxkamad la horkeeni doono shan qof oo Eedaysanayaal ah, kuna eedaysan inay ka dambeeyeen bambo gacmeedkii lagu weeraray 23kii Bishii June fagaare ku yaalla Addis ababa ee uu ka khudbadeynayey Raysul-wasaare Abiy Ahmed, siday faafisay wakaallada wararka Itoobiya ee ENA.
Xeer ilaalinta Guud ee dawladda Itoobiya waxay sheegtay in la dhammaystiray baadhista shan qof oo loo haysto weerarkii bambo gacmeedkii lagu qaaday fagaare uu ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed kala hadlayey kumanaan qof oo ku dhaqan Addisababa kuwaasi oo taageersanaa hindisihii nabadeynta dawladaha Itoobiya iyo Eriterea.
Xeer ilaalinta guud waxay sheegtay inay maxkamaddu aqbashay codsi uu u gudbiyey xeer ilaaliyaha guud oo la xidhiidhay in muddo 15 maalmood ah maxkamad lagu hor keeno eedaysaneyaashii kiiskaas. Waxa weerarka shanta qof loo haysto ku naf waayey laba qof, halka ay 150 kalena ku dhaawacmeen.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.