WorldRemitAds

Qaabka Loogu Soo Gacan Geliyay Hay’adaha Ammaanka Eedaysane Dil Loo Haysto

Buuhoodle, Somaliland, October 27, 2018 (Saxafi) – Wefti uu hogaaminayey guddoomiyaha gobolka Buuhoodle Mustafe Xaaji Cabdi Muuse, taliye ku xigeenka ciidanka booliska gobolka Togdheer Yuusuf Shirre, maayorka degmada Qorulugod Maxamed Cumar, maayorka degmada Ballidhiig Aadan Saalax, cuqaal, waxgarad iyo culimaa’udiin ayaa hawlgal ku qaatay siddeed maalmood waxa ay ugu ambabaxeen deegaanka Ballidhiig iyo Coodanle.

SomlegalAds

Halkaas oo bishan October badhtamaheedii loogu geystey dil marxuum Shaafici Cabdi Aadan, hawlgalka nabadeynta ah oo ay ku soo guuleysteen muddadaa siddeeda cisho ah ka dib, hawlgallo kale oo waajibaadkooda shaqo ahaa oo ay soo guteen, waxaa wargayska khadka telefoonka ugu warramay gudoomiyaha gobolka Buuhoodle Mustafe Xaaji Cabdi Muuse. ”Waxaanu hawlgal qaatay sideed maalmood ugu ambabaxnay deegaanada Ballidhiig iyo Coodanle oo uu ka dhacay dilka marxuum Shaafici Aadan Cali. waxaanuna anaga oo isugu jira maamul iyo saraakiil ciidanba aanu ku soo guulaysanay inaanu gacanta ku soo dhigno gacan ku dhiiglihii, isagoo aanu maanta/shalay keenay xabsiga magaalada Burco, waxaanuna ilaahay ugu xamdi naqaynaa sida uu noogu fudaydiyey ee aanu ugu guulaysanay gacan ku dhigista gacan ku dhiiglihii dilka geystey, waxaa kale oo aan halkan uga faa;iideysanayaa sida ay noola shaqeeyeen shacabka deegaanka iyo labadii dhinac ee uu dhibku dhex marey, sidoo kale suldaan Cigalle oo door mahadnaq mudan ka qaatay dejinta xiisadaa iyo raadcada xalkeeda oo ahaa gacan ku dhiiglaha, waxa kale oo si gaar ah mahadnaq ugu jeedinaynaa gudoomiyaha gudiga dhexdhexaadinta iyo khilaafsaarka Maxamuud Maxamed Jaamac  oo gacan ballaadhan naga siiyey soo afjarida xallinta iyo dawadeeda”

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xaalada deegaankaas ay safarka ku marayeen uu ahaa mid dad iyo duunyoba wixii ku dhaqnaa ay ku jireen wax ilaahay loogu mahadnaqo, raxmaadkuna uu ahaa mid aan meella seegin, barwaaqona ay ku sugnaayeen.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay ahayd dhacdo aad u xanuun badan mashaqada ka dhacday koonfurta gobolka Sool, isla markaana ay horena baaq nabadeed iyo tacsi u direen dadkaa dhibku gaadhay, iminka uu uga faa’iideysanayo waraysigaa waxaanu yidhi ”Waxa ka dhacay koonfurta gobolka Sool ee labada beelood uu dagaalka aynaan noociisa hore u arag ku dhexmaray waxaa ilaahay uga baryayaa in uu intaa inagaga qaboojiyo, beelaha walaalaha ahna uu beerkooda burcad isu mariyo, anaguna dhinacayaga waxaanu u dirrey wafdi isugu jira cuqaal iyo waxgarad oo ka qayb qaata nabadeyntaa kuwaas oo habeenimadii xalay u hoyday  magaalada Ballihadhac, waxaana hogaaminayey wafdigaa nabadeyntaa caaqil Maxamed Nuux Maxamed (Sanweyne), insha allahuna waxaanu ilaahay u weydiinaynaa inuu iyaga iyo ergada kaleba ka dhigo kuwo uu u furo quluubta beelahaa walaalayntooda lagu hawshaysan yahay”

Ugu danbayn guddoomiyaha gobolka Buuhoodle Mustafe X Cabdi wuxuu baaq u direy hay’adaha samafalka oo aan gobolkaas gaadhin, isaga oo xusay inaanay jirin sabab ay xilligan sheegaan oo ay ku gaadhi waayaan shacabka baahida u qaba, diyaarkana u ah dhinacoodana soo eegaya, waxaanu xukuumada ka codsaday inay wixii kaga xidhan hay’adaha u fudaydiso si ay uga qayb qaataan daryeelka deegaankaa iyo shacabka ku dhaqan oo ku jira xiilli roobaad ay u nugul yihiin waxa kasta.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.