WorldRemitAds

Shirkadda Diyaaradaha Dalka Isu-Taga Emirates, oo dhawrkii sanadood ee u danbeeyay, kaalinta koowaad u gashay shirkadaha diyaaradaha dunida, gaar ahaan kuwooda ugu raaxada badan uguna adeega fiican ayaa soo bandhigtay noocyo cusub oo diyaaradaheeda ay ku soo kordhisay, adeeg ahaana ay Macaamiisha qaarkood ugu tala gashay.

Xaakimka Imaarada Dubai ahna madaxweyne Ku Xigeenka dalkaas, Sheekh Mohammed Bin Rashid Al Maktoum, ayaa isagu soo kormeeyay diyaaradaha, Emirates Airline ugu tala gashay, qoysaska  ladan, ganacsatada iyo Madaxda.

SomlegalAds

Diyaaradahan oo noocoodu yahay, Airbus A319, ayaa ah, kuwo wax kasta oo raaxo iyo adeeg loo dhamaystiray, waxay leedahay, adeegyada Internet-ka, Bluetooth iyo iPad, sidoo kale tobanaan shaashadood oo telefishanada dunida ugu horeeya aad si toos ah uga daawan karto ayay ku qalabaysan tahay diyaaradani.

Diyaaradan oo leh toban kursi oo kaliya ayaa kursi walba isku badali karaa sariir raaxo oo kugu filan, taas oo wareegaysa wax kastanaa ku dhib yaraanayaan inaad adigoo hurda qabsato, adeegyada diyaaradan ayaa la sheegay in aanay ilaa wali jirin diyaarad lagu qalabeeyay dunidu.

Madaxweyne Ku xigeenka Imaaraatka Carabta, ahna xaakimka Dubai, Sheekh Mohammed Bin Rashid oo isagu soo kormeeray ayaa diyaaradan ku tilmaamay, mid caqliga aadamiga ama macaamiisha ka wayn, waxaanu xusay in shirkada Diyaaradaha Ee Emirates, ku amaanay dedaalka ay ku jirto.

Sheikh Mohammed Bin Rashid waxa uu ku booriyay shirkada in ay qiimo macquul ah ku kireeyaan, si ay dad badani ugu faa’iidaystaan, waxaanu sheekhu sheegay in diyaaradan oo kale ay ku wanaagsan tahay in qof walba fuulo oo uu daawado, kuna raaxaysto mar ka mid ah noloshiisa.

Diyaaradan ayaa loo dhameeyay dhamaan adeegyada raaxada ee aadamigu jecel yahay, gaar ahaan qalabka tignoolajiga waxaana dhexdeeda la dhigay tobanaan aaladood oo iPad ah, waxa kale oo ay leedahay internet, xawaarihiisu sareeyo, waxa kale oo ay leedahay tobanaan shaashadood oo qofka ama qoyska kiraystaa ka daawan karaan dhamaan telefishanada kala duwan ee aad ka looga xiiseeyo dunida, laakiin shirkadu may shaacin inta qiimaheedu noqon doono.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.