WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 22, 2016 (Saxafi) – Wasiirka cusub ee Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen-Dayr), ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda ganacsiga Dr. Muuse Qaasim Cumar.

Munaasibadii uu wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsigu ay xilka kula wareegayeen oo lagu qabtay huteel imperial ee magaaladda Hargaysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin isugu jiray wasiirro, ay ka mid ahaayeen wasiirka wasaaradda wershadaha, afhayeenka madaxweynaha, agaasimeyaal guud, siyaasiyiin, shaqaalaha wasaaradda ganacsiga iyo marti sharaf kale.
Wasiirkii hore ee wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga Dr. Muuse Qaasim Cumar, oo hadal ka jeediyay xafladii uu xilka ku wareejinayay ayaa sheegay in xilka qarku meerto yahay,isla markaana uu ku faraxsan in uu xilka wareejiyo. Waxaanu yidhi “Waan ku faraxsanahay in aan xilka wareeriyo, waayo xilku waa meerto, oo waa sunaha dawladnimo. Waana wax aynu kaga duwanahay umaddaha kale. Wasaaradda ganacsigu waa wasaarad balaadhan, dakhlina way soo gelisaa dalka, wasaaradu ma qabato, laakiin liisamada ganacsiga iyo ruqsadaha ayay bixisaa, lacagtaana waxaa lagu qabtaa cashuuraha berriga. Waxaanay si dhaw u wada shaqeeyaan wasaarada maaliyadda ganacsatada oo dhan ayaa hoos timaada.”
Dr. Muuse Qaasim, waxa kale oo uu intaasi ku daray in maalgashiga dalka ay hortaagan tahay xeerkii kala xadaynta ganacsiga oo horyaalla golaha Wakiiladda, isla markaana loo baahan yahay in ay ansixiyaan xeerkaas. “Aqoonsi la’aanta ma aha waxa la inoo maalgashan waayay, ee waxaan inoo diyaarsanayn shuruucdii maalgashiga. Iyagoo qabyo ah ayay wasaarada yaalaan. Xeerkii kala hagayay maalgashiguna waxa uu yaalaa golaha Wakiiladda, waxaanan u soo jeedinayaa golaha Wakiiladda in ay ansixiyaan, waayo? Wax badan ayaa ku xidhan waana, wax u yaalla wasiirka cusub oo u baahan in uu sii riixo’’ayuu yidhi wasiirkii hore ee wasaarada ganacsiga.
Sidoo kale wasiirka cusub ee wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga Eng. Xuseen Aadan Cige, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa uga mahad naqay madaxweynaha Somaliland xilka uu u magacaabay, waxaanu balanqaaday in uu fulin doono himilada ay leedahay xukuumadda madaxweyne Siilaayo.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan uga mahad naqayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), uga mahad naqayaa si milgo iyo maamuus leh kalsoonida u isiiyay ee uu iigu magacaabay xilka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah. Waxaanan balan qaadayaa in xilkaa qaran ee madaxweynuhu ii magacaabay in aan u gudan doono sida ugu habboon. Waxaanan balan qaadayaa in aan ku shaqayn doono isla markaana aan fulin doono hadafka iyo himilada ay leedahay xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Siilaanyo taasi oo ah in hay’ad kasta oo ka tirsan hay’adaha qaranku la timaado qorshe cad oo ay ku beegsanayso horumar la taaban karro, xukuumadana faa’iido u leh. Qof kasta oo xil loo igmaday, waxaa hubaal ah, in laga sugayo in uu ka midho dhaliyo hawsha iyo xilka loo igmaday qofka xilka loo igmaday ayaa la yimaada is-bedelka’’.
Eng. Xuseen Deyr, waxa uu tilmaamay in Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maalgashiga ay tahay laf-dhabarta dhaqaalaha bulshada reer Somaliland. “Wasaarada ganacsiga iyo maalgashigu waa laf-dhabarta dhaqaalaha bulshadda dadka Somaliland iyo dal walba oo caalamka ka mid ah waxaynu maraynaa wakhti casri ah oo lagu tilmaamo xiligii gacsiga iyo is-gaadhsiinta iyo tijnoolajiyada horumarka dunidu ka gaadhay xaga ganacsiga. Waxa uu aadamaha u horseeday in ay ku talaabsadaan horumar la xaadle oo dhinacyo badanleh.
Haddii aynu is-waydiino heerka ay Somaliland ka taagan tahay xagga ganacsiga iyo maalgashiga waxaana jira duruufo u gaara dalkeenna oo xanibaad ku ah in maalgashi lagu sameeyo dalka burburkii dalka ka soo gaadhay dagaaladii, waa arrimaha keenay in aanu midho dhalin ganacsigeenu iyo maalgashi dunidu ka samanlahad dalka. Wasaaradda ganacsigu waa wasaarad qaranka ugu fadhida kaalin weyn oo mugleh, waxaa loo baahan yahay sidii dalka loo maalgashan lahaa, waxaana ay ka mid yihiin waxa I horyaala, waxaan balan qaadayaa in aan la shaqayn doono shaqaalaha wasaarada ganacsiga,’’ayuu yidhi wasiirka cusub ee wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.