WorldRemitAds

Ankara, Turky, June 25, 2018, (Saxafi) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay shalay in dadweynaha dalkaasi siiyeen kalsoonidda inuu u sii ahaado Madaxweynaha, Islamarkaana uu ku guulaystay doorashadda. Laakiin, Xisbiga ugu weyn mucaaradka ayaa sheegay in aan durba la sheegi karrin in la kala guulaystay.
Tayyip Erdogan ayaa la wariyay inuu hantiyay 52.8% percent codadka la tariyay ilaa xalay oo ahaa 95% percent. Ninka sida adag ula tartamay oo la yidhaa Muharrem Ince, ayaa la wariyay inuu helay 29.9% codadka guud.
Shalay galab ayaa la soo xidhay goobihii codbixinta doorashada madaxtinimo iyo tan baarlamaaniga dalka Turkiga. waxaana codkooda dhiibtay 56 milyan oo Turkish ah.
Tirinta codadka ayaa islamarkiiba, iyadoo laga bilaabay 180,065 goobood oo codadka laga dhiibtay shaaly, waxaa sidoo kale cododkooda la tirinayay dadka Turkida ee codkooda ka dhiibtay 7-dii bishan June, 60 dal oo uu Turkiga 123 safarado iyo Qunsuliyado ah uu ku leeyahay. waxaana sidaas xaqiijiyey gudiga doorashada waddankaas oo ku kala sugan 81 Gobal.Guddiga doorashaddu waxaa ay sheegeen in tirinta codadka ka bilaabatay 180,065 goobood oo codadka laga dhiibtay shalay laakiin, waqtiga aan warkan qorayno. Laakiin, waxa ay u badan tahay laguna kalsoonyahay sida Madaxweynuhu cadeeyay inuu guulaystay Erdogan. Iyaddoo uu dhaafay tiraddii loo xadiday oo ahayd in murashaxu ku guulaysto wax ka badan 50% codadka guud ee dalka. Iyaddoo hadii murashaxna gaadhi waayo, markaas ka dib qorshuhu ahaa in lagu noqdo wareeg labaad oo doorasho ah oo dhici lahayd bishan inagu soo foolka leh ee July 8-deeda. Sidoo kale, codadka la tiriyay ee xubnaha baarlamaanka ayaa uu ku horeeyaa xisbiga taladda dalka Turkiga haya. Waxaana xalay bilaabmay dabaaldegga ay sameynayaan taageerayaasha Erdogan
Saacadihii danbe ee xalayna wakaaladda wararka ee dalkaasi waxaa ay u dhigtay codadka la kala helay sidan.
Recep Tayyip Erdogan: 52.83 percent
Muharrem Ince: 30.68 percent
Selahattin Demirtas: 7.96 percent
Meral Aksener: 7.44 percent
Isha Warka: Anadolu Agency

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.