WorldRemitAds

Ceel-Afweyn, Somaliland, July 09, 2018 (Saxafi) – Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka hadlay ergooyin uu hogaaminayo oo u baxday deegaanka Ceel Afweyn oo ay ka taagan tahay colaad u dhaxaysa laba beelood.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in ergada shalay u baxday ay ka kooban yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo tiradoodu badan tahay.

SomlegalAds

Ugu horayn Madaxweyne ku xigeenka Saylici oo ka hadlaya safarka ay u baxeen ayaa waxa uu yidhi “Maanta (Shalay)oo bishu tahay 8/7/2018 waxaan ummadda Somaliland u sheegaynaa inaanu u baxayno Ceel-Afweyn, haddii aanu nahay madaxdii qaranka Somaliland iyada oo aanu abaabulnay ergo ka kooban madax dhaqameedkii, culimadii iyo wax garadkii reer Somaliland, kuwaas oo ka qayb galaya  sidii loo soo afjari lahaa shaqaaqadii mudada ka taagnayd deegaanka Ceel-Afweyn oo inagu ahayd nabar fool xun oo umadeenii is dhashay ee ehelka ahayd ay mudo ku soo noq noqotay.”

Saylici oo hadalkiisa wata ayaa intaas raaciyey “Ergadu waxay ka kooban tahay 66 ergay oo iskugu jira dhaqankii oo ay ka mid yihiin haduu Suldaan ahaa iyo haduu Caaqil ahaa iyo culimo awdiinkii dalka  oo dhan, waxaana la go’aansaday inaan lagu kala maqnaan si loo soo afjaro arintaas waana arin sulux ah.”

Sidoo kale madaxweyne ku xigeen Cabdiraxmaan Saylici ayaa fariin u diray bulshada somaliland waxaanu yidhi “Waxaan ummadda Somaliland u sheegayaa meel kasta oo ay jogaan in meeshaas dhibaatada ka jirta cid wanaag ku darta oo bakhtiisa oo nin walba dhankiisa biyo kaga shubo mooyaane aanay cidina dab ku darsan af iyo adinba, sababtoo ah umad is dilaysa in la siyaasadeeyo oo dhiiga ummadda siyaasad la galiyo oo looga faa,iidaysto ma qurux badna, markaa waxaanu ummadda leenahay noogu soo duceeya hawshaas aanu u dhaqaaqnay.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sheegay inay maalinta bari ah bilaabmi doonaan shirarka layskugu keenayo labada beelood ee colaadu dhex taalo waxaanu yidhi “Haday wasiirkii arimaha gudaha tahay iyo haday ergooyinkii tahayba way naga horeeyaan oo ilaa saaka ayey baxeen, wixii bari ka dambeeyana waxaan rajaynaynaa in shirku furmo, labadii beelood ee walaalaha ahaa ee meesha isku dilayeyna kalsoonidoodii waa la sidaa, iyaga oo kuwii loo gar-naqayey ah iyo intii kale ee ehelka u ahayd ee sida dhaqanku yahay xidhaha u ahayd intuba way imanayaan, halkaasna waa layskugu tagayaa, waxaanan ilaahay ka rajaynaya inay hawshaasi inaga soo afjaranto oo aanu qof dambe inagaga dhiman.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.